Home > AU, TFG Somalia > Somalia:Madaxda Dalka oo qaabilay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Somalia:Madaxda Dalka oo qaabilay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Tuesday, July 19, 2011

Laaska News  July 19,2011
Madaxweyane Shariif Sh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamnak Shariif Xasan Sh Aaden iyo R/wasaare  Dr.  C/weli Maxamed Cali ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan wadajir ah kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya wakiilka gaarka ah ee Midowga afrika u qaabilsan Soomalaiya Jerry Rowling kadib markii uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa markii uu soo dhamaaday kaddib waxaasaxaafadad si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxweyne Sh Sharif Sh Axmed iyo Jerry Rowling.

Madaxweynaha  ayaa sheegay in arrimo badan diiradda lagu saaray kulnka kuwas oo ay ka mid yihiin horumarka laga gaaray heshiiskii Kampala, Ammaanka, macluusha ka jirta dalka, Dhismaha xukuumadda   iyo arrimo kale isagoo tilmaamay in si wanaagsan la isugu afgartay dhammaan waxyabahii laga wada hadlay.

Sidoo kale Jerry Rowling Ergayga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaliya oo isna la hadalay saxaafadda ayaa soo hadal qaaday xaaladda abaaraha ee dalka, waxa uuna xusay in dhibaatada ugu badan ay haysato carruurta iyo haweenka.

Ergayga ayaa  ka dalbaday bulshada caalamka iyo dowladaha afrika dhammaan inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed  ee dhibaateysan kuwas oo qaarkood u qaxay dalka Kenya iyo waddamo kale.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com