Home > Drought and Starvation, Muqdisho, News > Somalia: Ku dhawaad 10 carruur ah oo geeriyootay Muqdisho

Somalia: Ku dhawaad 10 carruur ah oo geeriyootay Muqdisho

Tuesday, July 26, 2011

Laaska News  July 26,2011
Sagaal carruur ah ayaa maanta ku geeriyootay xero ay dad barakacayaal ah ku sugan yihiin oo ku taalla degmada Howl-Wadaag ee gobolka Banaadir.

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Caafimaadka Ismaan Ibraahin Libaax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in carruurtaan oo barakacayaasha ka mid ahaa ay u geeriyoodeen cudurro ay ka mid yihiin Jadeeco, Shuban Biyood iyo Nafaqo Darro, wuxuuna ugu baaqay dadka, dowladda iyo Hay’adaha in ay gargaarka la siinayo barakacayaasha kordhiyaan si loo badbaadiyo carruur badan oo xaalad halis ah ku jirta.

Dhinaca kale Maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka ayaa maanta kulan ku saabsan ammaanka xerada barakacayaasha ee Badbaado ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay gudaha xerada waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidanka Boolsika gobolka Banaadir G/sare Axmed Xasan Maalin, guddoomiye ku xigeenka gobolka Warsame Maxamed Xasan iyo guddiga barakacayaasha iyo guddi farsamo oo degmooyinka gobolka ka socda.

Korneel Maalin oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadkaan ka soo hayaamay abaaraha ay helaan ammaan, isla markaana laga digtoonaado kooxo nabad diid ah in ay ku soo dhex-dhuuntaan, wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanku ay arrintaasi ku howlan yihiin.

Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka ee dhinaca nabad gelyada ayaa sheegay in maamulka ay marti u yihiin dadkaan ammaankoodana uu waajib ka saaran yahay Gobolka Banaadir iyo dowladda Dhexe, isagoo ciidamada ammaanka ku boorriyay in ay la dagaalamaan cid kasta oo ammaanka wax u dhimeysa.

Qaar ka mid ah guddiga ay sameysteen dadka barakacayaasha ah eek u jira xerada Badbaado ayaa sheegay in ciidamadu ay kaalin wanaagsan ka qaateen sidii ammaan ay u heli lahaayeen, wuxuuna sheegay in dadka barakaca ah looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga guuleysto kuwa qaska ka abuuri kara deegaanka oo ay ku nool yihiin kumanaan carruur iyo haween u badan oo abaaraha ka soo cararay.

Taliska Booliska ayaa horay Saldhig ciidan uga sameeyay agagaarka Xerada Badbaado oo ay dowladdu dib u dejin ugu sameysay kumanaan qoys oo ka yimid gobollada dhexe oo ay abaaro ka jiraan.

RM.

 

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com