Home > News, TFG (A+), TFG Somalia > Somalia:Madaxweynaha oo la kulmay golihii hore ee wasiirada + SAWIRRO

Somalia:Madaxweynaha oo la kulmay golihii hore ee wasiirada + SAWIRRO

Wednesday, July 27, 2011

Laaska News  July 27,2011

Madaxweynaha dowladda FKMG ah mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan qado ah kula qaatay golihii hore ee wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo badan oo dalka ku saabsan.

.
Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta C/kariim Xasan Jaamac oo Radio Muqdisho wareysi siiyay ayaa sheegay in madaxweynuhu uu golaha xilka wareejinaya uga mahad celiyay howl karnimadii ay la yimaadeen xilligii yaraa ee ay shaqeynayeen, wuxuuna sidoo kale ka codsaday in ay la shaqeeyaan xukuumadda cusub si looga mira dhaliyo shaqadii ay bilaabeen.

 

.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay R/wasaaraha xukuumadda Dr. C/wali Maxamed Cali, Wuxuuna tilmaamay madaxweynuhu in xaaladda abaareed ee dalka ka jirta iyo colaadaha oo ay dheer tahay barakac sababay in kumanaan qoys ay deegaanadoodii ka cararaan ay tahay mid u baahan midnimo si looga gudbo, wuxuuna Madaxweyne shariif guul Soomaali u soo hoyatay ku tilmaamay haddii loo midoobo arrintaasi.

.
Golihii hore ee wasiirada ayaa balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan xukuumadda cusub ayna sii wadi doonaan shaqooyinkii ay ummadda u hayeen, ayagoo sidoo kale soo dhaweeyay xukuumadda cusub.

.

Sidoo kale waxay wasiiradii hore muujiyeen in aysan shaqada joojin doonin, dalka ay u shaqeyn doonaan inta uu ka baxayo xaaladda adag ee abaarta iyo colaaddu ugu horreyso.

 

 

 

This slideshow requires JavaScript.

 

 

RM.

 

 

Related Articles:

Liiska Xukuumaddii Farmajo

Liiska Wasiir kuxigeenada & Wasiira Dawlayaasha uu Magacaabay PM.Farmaajo

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com