Home > News, PUNTLAND > Somalia:Dabley Hubaysan oo Dil iyo Dhaawac ugeystay Gaadiid kusii jeeday Qandala

Somalia:Dabley Hubaysan oo Dil iyo Dhaawac ugeystay Gaadiid kusii jeeday Qandala

Thursday, July 28, 2011

Laaska News  July 28,2011
Bosaso – Warka laga helayo caasimadda dhaqaalaha  Puntland ee Boosaaso,Gobolka Bari ayaa kusoo waramaya in saaka dabley hubaysani ay rasaas ku fureen baabuur xamuul ah oo marka soo istaagay goob kontarool ah oo ku taal tuulada Kob dhexaad ee Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari.

.

Waxaana lagu soo waramayaa in ay halkaasi uu kadhacay ugu yaraan  4 qof oo dhimasho ah iyo 15 dhaawac ah,warka ayaa wuxuu intaa ku darayaa in baabuurta mid kamid ahi uu dib usoo cararay oo uu soo gaaray tuulada Kalabeyr  halka laba baabuur loo badinayo inay rasaastii haleeshay.

.
Baabuurtan oo ahaa sida la sheegay kuwa xamuulka ah ayaa waxay kusii jeedeen Bari salkiis iyo Qandala,waxayna kasoo kicitimeen magaalada dekedda ah ee Boosaaso.

.

Dadkii dhaawacmay qaarkood ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Boosaaso sida ay kusoo warameen dad kusugan halkaa,halka ilaa saddex meyd ahna la geeyay tuulada Carmo.

.

Falkan ka dhacay kob-dhexaad ayaa warar hor u dhac ahi sheegayaan ama la xiriiro  isku dhacyo Beeleed oo soo noq noqday,dhawr jeerna la dhex galay oo u dhaxeeya Laba beelood oo kasoo kala jeeda Degmooyinka Ufeyn iyo Qandala ama laba Cali.

.
Dhinaca maamulka Bari ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaa.

.
Waxaannu ugu baaqaynaa maamulka Puntland in la soo afjaro mashruucan aanada qabiil ah ee  naafeeyay maamulkiina,dadkiina baabi’yay ,maamulkan aan laamiga kadagayna aad kadajisaan.

 

 .

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com