Home > Gar Gaar, Humanitarian Aid to Somalia, Kuwait Aid to Somalia, TFG Somalia, WFP > Somalia:Diyaaarado gar gaar siday oo Muqdisho soo gaaaray

Somalia:Diyaaarado gar gaar siday oo Muqdisho soo gaaaray

Friday, July 29, 2011

Laaska News  July 29,2011

Sadex diyaardood oo sidday Shixnado gargaar ah ayaa maanta soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha  Muqdisho,  kuwaas oo ay soo kala dhibeen Dowladda Kuweyt iyo iyo Hey’adda WFP.

Gargarkan oo ka koobnaa raashin caanaha caruurta iyo Teendhooyin ayaa waxaa loogu talagalay barakacayaasha tabaaleysan ee ku jira xerooyinka kala duwan ee Barakacayaasha Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa uga mahadceliyay dowladda Kuweyt sida wanaagsan ee ay uga damqaneyso dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale u Mahadceliyay hey’adda WFP, waana qeybtii Sadexaad oo gargaar ah oo dowladda Kuweyt soo gaarsiiso Muqdisho.

Dhinaca kale wafdi ka socday hey’adda bisha cas ee dalka Imaaradka carabta ayaa sidoo kale maanta soo gaaray Muqdisho waxa ayna la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Wafdigan ayaa ujeedadiisu waxa ay tahay sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaalada nololeed ee barakacayaasha iyo wada tashi ku aadan qaabka ugu haboon ee gargaarka loo soo gaarsiin lahaa dadkaasi, waxa uuna socon doonaa gargaarka ay billaabeyso dowladda Imaaraadka muddo Afar bilood ah sida uu sheegay mas’uul ka tirsan Wafdigaasi.

Dowladda Kuweyt ayaa ka mid ah dowladda carbeed ee gargaarka ugu badan soo gaarsiiyay dadka barakayaasha ee ay saameynta ku yeelatay abaarta ka ataagan dalka.
RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com