Home > News, WARARKA > Masar:Maxkamaddii Mubarak oo bilaabantay

Masar:Maxkamaddii Mubarak oo bilaabantay

Wednesday, August 3, 2011

Laaska News  August 3,2011   Egypt: Mubarak’s trial starts in Cairo

Qahira -Madaxweynihii hore ee Masar ayaa la keenay maxkamaddii waxaana lagu siday sariir,waxaana la galiyay shabagga maxaabiista.

Waxaa hadda bilaabantay maxkamaddii,waxaana ku waheliya laba wiil uu dhalay iyo rag sare oo dawladdiisa ahaa,waxaana kamid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.
Waxaana kasoo qayb galay muxaamiin(looyaro),waxaase jira qaar badan oo banaanka taagan oo soo gali kari waayay oo ka mid ah qareenadii difaaca.

Waxaa kaloo banaanka taagan taageerayaashii madaxweynaha iyo kooxihii mucaaradka ku ahaa,waxaa kaloo jooga ciidamo farabadan oo wata dabaabado iyo ciidamo si gaar ah loogu diyaariyay inay nabad galyada sugaan.

Kiiska ugu weyn haddii lagu helo waa dil kaasoo eedda ah ciddi bixisay amarka xoogga loogu isticmaalay dadkii mudaharaadayay ama rabshadaha kudhintay ee ay isaga hor yimaadeen ciidanka iyo dadkii kacdoonka waday.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com