Home > Gar Gaar, TFG Somalia > Somalia:Warka Abaaraha,Barakaca & Gargaarka

Somalia:Warka Abaaraha,Barakaca & Gargaarka

Thursday, August 4, 2011

Laaska News  August 4,2011

Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Qatar Charity

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’ada Qatar Charity International oo ah hay’adii ugu horreysay ee caalami ah ee soo gaartay shacabka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.
Wafidgan oo ay ka mid ahaayeen Mohamed Ader-deor, Agaasimaha Gurmadka Deg-degga ah, Ali Mubarak Al-Kubaisi ahna Madaxa qeybta xiriirka deeqbixiyeyaasha, iyo Mohamed Hashim Omar oo ah Madaxa Mashaariicda Soomaaliya.
Waxaa kaloo kulankan muhiimka ah joogey Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Mohamud Ahmed Nur (Tarzan).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey wafidga Qatar Charity imaatinkooda Muqdisho iyo sidii ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gurmadeen shacabka soomaaliyeed. Wafdiga ayaa iyagana uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sidii quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey iyo waqtigiisa qaaliga ah ee kulankii maanta.
Wafidga ayaa warbixin kooban siiyey Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira kaalinta Qatar Charity iyo kaalmada ay soo gaarsiiyeen shacabka soomaaliyeed.
Wafdigu waxey sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin inay soo gaaraan shacabka soomaaliyeed oo ay gar-gaar iyo gurmadba la soo gaaraan, waxeyna sheegeen inay qorsheynayaan inay sii kordhiyaan mucaawanadooda. Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay inay qorsheynayaan inay mashaariic kale ka fuliyaan waddanka Soomaaliya sida mashaariic waxbarasho, kuwo caafimaad iyo kuwa shaqo loogu abuurayo dhalinyarada
Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday in Qatar Charity ay wada gaaraan dhammaan shacabka soomaaliyeed iyo gobolada dalka oo ay macluul tii ugu xumeyd muddo 60 sano ah ka jirto. Waxuuna ka codsaday inay kaalin mug leh ay ka qaataan dadaalada loogu gurmanayo shacabka tabaaleysan.

 

Dowladda Turkey: gargaarka Soomaaliya aan ka wadno waan sii wadeynaa

Dowladda Turkey ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho ay ka hirgalineyso xarumo lagu quudinayo dadka ay abaarya saameysay iyadoo dhinaca kale ay sheegtay in ay gurmadka sii wadi donaan.

Qoysas badan oo ku sugan magaalada Muqdisho oo ka soo barakacay gobollada ay abaarta ku dhufatay ayaa maalinimadii shalay deeq gargaar oo ka socotay dowladda Turkey loogu qabyay magaalada Muqdisho iyadoo  mar kale ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto gurmadka ay Soomaaliya ka wado.

Bilaal Jaleeti oo ka socday hay’ad samafal oo lagu magcaabo onel organasation islamarkaana laga leeyahay dalka Turkey ayaa sheegay in dowladda Turkey ay qorsheyneeso in magaalada Muqdisho ay ka furto xarumo cunno lagu siiyo dad badan oo barakacayaal.

Masuulkaasi ka socday dowladda Turkey aya tilmaamay in goor dhor ay Muqdisho soo gaari doonaan hay’addo ay ka mid tahay hay’adda bisha Cas iyo kuwa kale, waxa uu intaa ku daray in ay jiraan maraakiib wada shixnado gargaar oo ku soo fool leh Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ah meesha kaliyah ee sida xurta ah dadka loogu gargaaro.

Dowladda Tukey ayaa waxa ay qayb ka tahay dowladdaha gurmadka u fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaarta sida darran u saameysay, iyadoo hadana ay sameesay ballan qaadyo ay ku caawineyso dadka ku macluulsan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxaa Diyaariyay Faisal Musse Mohamed.

RM.

 

Somalia: Imaaraadka Carabta oo Afuriyey Barkacayaal Muqdisho Ku Sugan -DAAWO SAWIRRADA

Somalia:3.7 million in need of aid in Somalia – UN

Hunger in Somalia – VOR

Somalia:11 mln people in and around Somalia are at risk of starvation

Somalia:Hay’adda “Gift of the Givers” oo Dhaqaatiir iyo daawo ugu deeqday Soomaaliya-SAWIRRO

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com