Home > WARARKA > Somalia:Al Shabaab oo la sheegay inay ka baxeen Muqdisho iyo Dhaqdhaqaaqa kasocda Caalamka

Somalia:Al Shabaab oo la sheegay inay ka baxeen Muqdisho iyo Dhaqdhaqaaqa kasocda Caalamka

Saturday, August 6, 2011

Laaska News  August 6,2011

Garoonka Koonis oo Lo, ay Daaqeyso

Muqdisho,Somalia – Wararka laga helayo caasimadda Soomaaliya ayaa kusoo waramaya in ciidamadii xarakata al shabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho xalay,ayna baneeyeen goobihii ay ka fadhiyeen magaalada iyo  deegaanadii ay ka fadhiyeenba.

Deegaanada ay af ka saareen  ayaan wali kala cadayn,waxaase la filaya inay isugu gurtaan deegaanada ay ku xooggan yihiin.
Warbaahinta Dawladda ayaa waxay bixitaanka ku sifaysay khilaaf soo kala dhex galay xarakada dhexdeeda,wuxuuna uqornaa sidan:

Shabaab oo ka baxay Magaalada Muqdisho
 August 6, 2011   
Wararkii ugu dambeeyay ee laag helo goobaha ay maamuli jireen maleeshiyaadka shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay dhammaan faarujiyeen,

Horjoogayaal la la xiriiray ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay magaalada ka baxaan kaddib markii uu soo wajahay khilaaf iyo taag darri dhanka dagaalka ah.

Waxaa lagu arkayaa goobihii ay ku sugaanaayeen maleshiyaadkooda oo cidlo ah, Waxaana illaa xalay la maqlaye guuxa gaadiidka ay ku baxsanayaan oo sii dhaafaya ceelasha biyaha.

Wararka ayaa sheegaya in qolaba dhan u carartay, loona kala jabay qaab qabiil iyo deegaano.

Source:Radio Muqdisho

ka bixitaankan ay xarakatu kasoo baxeen magaalada muqdisho ayaa kusoo aaday iyadoo maalmahan ay warbaahinta caalamku aad u hadal hayeen inay hor istaageen gargaar la sheegay in loo gudbinayo dad tabaalaysan oo kusugan meelaha ay gacanta ku hayaan.

Inkastoo aan la ogayn ujeedada rasmiga ah ee keentay inay waqtigan baneeyaan deegaanadii ay gacanta ku hayeen ee muqdisho ayaa haddana waxa muuqata inay la socdaan dhaqdhaqaaqa caalamka ka socda iyo qorshaha dawladda TFG da labadaba.

Dawladda Soomaaliya ayaa horay usheegtay inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka sifaynayso Alshabaab.

Waxaa kaloo garab socda oo  xusid mudan in maalmahan uu jiray dhaqdhaqaaq caalamka kasocday oo madaxda caalamka iyo hay’adaha qaarkood ay wadeen warbaahinta qaarna ay siideysay taasoo ah in dariiqo kasta lagu gaarsiiyo gargaarka dadka tabaalaysan ee ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayaan Alshabaab,qaarkoodna waxayba soo jeediyeen in fara galin lagu sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo looga hadlay arrinta Soomaaliya  kongareeska maraykanka sida ay sheegtay warbaahinta VOA da,waxaa kale oo ka hadashay wasiiradda Arrimaha dibadda sidoo kale waxaa ka hadlay madaxweynaha Kenya iyo madax badan oo caalamka iyo  hay’adaha deeqda bixiya ah.

Fara galintaas oo qiil looga dhigayay in dadkii ay macaluul iyo gaajo udhamaadeen.

Hay’adaha caalamka ee deeqda bixiya ayaa si xad dhaaf ah olole u wada ay lacag ku uruursanayaan,lacagtaas oo ay sheegeen in ay Soomaaliya dad ku tabaalaysan gaarsiinayaan,ilaa haddana wax lagu qaboobo ma aysan soo gaarin dadka Soomaaliyeed iyo dawladda TFG daba,marka laga reebo baariiska dawladda Kuweit ay soo gaarsiisay Muqdisho.

Xeryaha Barakacayaasha ayaa lagu soo waramayaa inuu kajiro xanuuno asiibay caruurta iyo dadka waayeelka ah,mana jiraan dawlad ama hay’ad ugu deeqday isbitaalka guura.

Waxa kale oo ka taagan waa hoyga oo aan ahayn mid qorax,dabayl iyo roob toona ka celinaya,waxaana ka taagan saxo xumo,mana jiraan musqulo iyo biyo galin ku filan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in bixitaanka xarakadu ay muqdisho uga baxeen ay tahay dib ugurasho xeel dagaal,laakiinse uusan marnaba istaagayn dagaalada ay kula jiraan dawladda kumeel gaarka iyo cawaankeeda.

Ragga siyaasadda Soomaaliya aad ula socda ayaa ka digaya fara galin shisheeye oo ciidamo ah in lagu sameeyo Soomaaliya.

Waxaa loogu baaqayaa dawladda Soomaaliya iyo Xarakada Alshabaaba inay ka digtoonaadaan faragalintaas,dagaalkana la joojiyo,arrimahana lagu dhameeyo wada hadal Soomaali dhexdeeda ah,loona daneeyo umadda Soomaaliyeed.

Sababta oo ah faragalin ciidan wax laga faa’ido ma jirto aan ka ahayn burbur, bara kac,isnac iyo dalka oo sii gala gacmo shisheeye.

Sidoo kalana la joojiyo dadka Soomaaliya ka barkacaya oo dalka ka baxaya,deegaanadoodana loogu geeyo gargaarka,dadkana warka xaqiiqda ah loo sheego, Shacabka Soomaaliyeedna ay u istaagaan in laga shaqeeyo Soomaalinimo,dhiigga daadanayana la joojiyo,dadka tabaalaysanna loo gurmado.

Related Articles:

SOMALIA:Warka TFG da ee Abaaraha,Xaaladda Barakacayaasha,Gargaarka

Horn of Africa:Kenya calls for joint efforts to mitigate drought

“Darwiish”

Laascaanood.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com