Home > 10001, AMISOM, TFG Somalia > Somalia:Xaflad Lagu Sagootinayey Taliyihii hore ee AMISOM oo Xalay Muqdisho ka Dhacday – SAWIRRO

Somalia:Xaflad Lagu Sagootinayey Taliyihii hore ee AMISOM oo Xalay Muqdisho ka Dhacday – SAWIRRO

Saturday, August 6, 2011

Laaska News  August 6,2011

Xafladani oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynha soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Wasiirro uu kamid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaanno, Taliyaha ciidmada Xoogga,Taliyaha Ciidanka Nabad sugida iyo Xubno ka socday Bulshada Rayidka.

Waxaa ugu horeyn xaflada hadal ka jeediyay Taliyii hore ee ciidamada Amisom General Nathan Mangiisha waxuuna ku dheeraadaay ka hadalka guulihi dhawaan ay dagaalada Muqdisho ka soo hooyeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada waxa uuna ku baaqay si soomaliya oo dhan looga xoreeyo argigixisada in si wadajir ah loo wada Shaqeeyo.

Taliyaha cusub ee Amisom oo isna hadal kooban jeediyay ayaa  sheegay in uu wada shaqeyn muujin doonaan waxa uuna rajo ka muujiyay isago oo kaashanaya Taliska Ciidanka Xoogga Dalka in Soomaaliya laga xureyn doono Al-Shabaab.

Ugu dambeyn waxaa xaflada kahadlay oo sooxiray Madaxaweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna Taliyihi hore ee Amisom uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay isagoo u balan qaaday taliyaha cusub ee Amisom in uu ku gacnsiin doono gudashada hoowshiisa.

This slideshow requires JavaScript.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com