Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Madaxweyne Shariif oo xaalad Deg Deg ah Kusoo rogay Qaybo ka mid ah Dalka

Somalia:Madaxweyne Shariif oo xaalad Deg Deg ah Kusoo rogay Qaybo ka mid ah Dalka

Saturday, August 13, 2011

Laaska News  August 13,2011                   Somalia:Somali President declares state of emergency in Islamist abandoned parts of Mogadishu
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka qaybo ka tirsan ku soo rogay xaalad deg deg ah kadib wareegto ka soo baxayday xafiiskiisa goor dhow.

Hadaba Qoraalkaasi ka  soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Hoos ka fiirso.
 

Qodobka 1aad

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/08/2011 lagu soo rogay xaalad deg-deg ah goobahii ay ka baxeen Al-Shabaab.
Qodobka 2aad

Waxaa isla sidaasi oo kale lagu soo rogay xaaladda deg-degga Xirooyinka ay ku jiraan dhammaan barakacayaasha si loo sugo nabad-gelyadooda.
Qodobka 3aad

Waxaa reeban in la geeyo Ciidamo Beeleed goobihii laga xoreeyay Al-Shabaab iyo Xirooyinka ay ku jiraan barakacayaasha.
Qodobka 4aad

Waxii fal-denbiyeed ah ee ka dhaca goobaha iyo xirooyinka ku xusan Qodobka 1aad iyo Qodobka 2aad ee isla Xeerkaan, waxaa awood u leh inay qaado Maxkamadda CQS.
Qodobka 5aad

Sida uu qabo Qodobka 3aad ee Xeer-nidaamiyaha Nadabgelyada Guud Lr.21 ee soo baxay 16ka August 1963, waxay Dowladda qaadeysaa tilaabo kasta ee lagu sugayo nabad-gelyada iyo anshaxa guud ee goobahii laga xoreeyay Al-Shabaab iyo Xirooyinka Barakacayaasha.
Qodobka 6aad

Waxay Maxkamadda CQS awood u leedahay inay dhaqan-geliso Buuga Labaad ee Xeerka Ciqaabta CQS ee waqtiga dagaalka.
Qodobka 7aad

Xeerkaan ma khuseeyo goobihii ay horey uga jirtay nabadda, hase yeeshee haddii ay soo gaarto nabad-darro inta lagu jiro muddada uu tilmaamayo isla Xeerkaan, waxaa si toos ah uga dhaqangalaayo Xeerkaan.
Qodobka 8aad

Waxuu Xeerkaan jirayaa ilaa Seddex Bilood si looga gudbo marxaladda adag uu dalka ku jiro, waxuuna dhaqan gelayaa laga bilaabo maalinta uu ansaxiyo Madaxweynaha J.S. waxaana lagu soo daabacayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: