Home > Drought and Starvation, Turkey Aid to Somalia, WARARKA > Somalia:Diyaarado siday gargaar ka yimid Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Somalia:Diyaarado siday gargaar ka yimid Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Sunday, August 14, 2011

Laaska News  August 14,2011                        Turkey Aid to Somalia

Muqdisho,Somalia – Shan diyaaradood oo sidday gargaar loogu talagalay dadka tabaaleysan kana timid dalka Turkiga ayaa shalay iyo maanta soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa barqanimadii maanta ka soo degay laba diyaardood oo sidday gargaar bani’aadanimo oo ay soo dhiibtay Hey’adda bisha cas ee dalka Turkiga halka maalintii shalayna ay garoonka ka soo degeen Sadex diyaaradood oo ka timid dalka Turkiga, kuwaas oo qeyb ka ah raashin gargaar ah oo gaaraya ilaa Shan Boqol oo kun oo Tan oo dowladda Turkigu diyaarado ku keeneeyso Muqdisho.

Kamaalu diin oo ah madaxa wafdiga ka socday dalka Turkiga ayaa Radio Muqdisho u sheegay in 15 ka bishan Dekedda Muqdisho uu ku soo xiran doono Markab sida raashin dhan Shan Kun oo Tan oo ay soo dirtay Hey’adda Bisha cas ee Turkiga kaas oo loogu talagalay in lagu gargaaro dadka barakacayaasha ah ee tabaaleysan.

Raashinkan ay dowladda Turkigu ku keeneeyso hawada iyo Badda ayaa si toos ah loogu wareejinaya Dowladda KMG ah si ay ugu qeybiso dadka dhibaateeysan, waxaana arintani qeyb ka tahay gurmadka loogu jiro badbaadinta dadka ku ceyrtoobay abaarta daran ee ka taagan dalkeenna.

Muqdisho.

August 13.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com