Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/wasaaraha dalka oo qaabilay wasiiru dowlada Britian u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada + ‘SAWIRRO’

Somalia:R/wasaaraha dalka oo qaabilay wasiiru dowlada Britian u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada + ‘SAWIRRO’

Wednesday, August 17, 2011

Laaska News  August 17,2011
R/wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilaya wasiiru dowlaha Dowladda Britian u qaabilsan arimaha bani’aadanimada iyo horumarinta Andrew Mitchell oo maanta Muqdisho soo gaaray.

Kulanka uu R/wasaaraha dalka la yeeshay mas’uulkaasi ayeey iskula soo qaadeen arimaha dhinaca bani’aadanimada iyo sida ugu haboon ee loo gargaari karo dadka tabaaleeysan ee abaaruhu saameeyeen.

 

R/wasaare C/weli ayaa kulankaasi kadib sheegay in mas’uulkaasi ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Andrew Mitchell ayaa ugu hambalyeeyay R/wasaraha dalka hurumarka laga gaaray dagaaladii Muqdisho iyo in dowladdu ku guuleysatay sugida amaanka goobihii ay la wareegtay.

Socdalka mas’uulkan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu danbeeyay ay Muqdisho soo gaarayeen mas’uuliyiin ka socotay wadamada caalamka kuwaas oo u kuurgalayay xaaladda bani’aadanimo oo ka taagan dalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

RM.

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com