Home > Baargaal > Somalia:Isku dhac laga soo sheegayo Deegaanka Baargaal

Somalia:Isku dhac laga soo sheegayo Deegaanka Baargaal

Thursday, August 18, 2011

Laaska News  August 18,2011
Wararka laga helayo Deegaanka Baargaal ee Bariga Soomaaliya ayaa kusoo waramaya in galabta uu isku dhac ku dhex maray ciidamada Puntland iyo dhalinyaro ama ciidan Beeleed taageersan maamulka dhawaan lagu dhawaaqay ee Casayr State.

Wararka kasoo baxaya ayaa ah warar is khilaafsan iyadoo wararka qaar ay leeyihiin Wafdi Puntland ah  oo ah Wasiiro iyo ciidan waheliyay ayaa dhalinyaro deegaanka ahi hor istaageen inay ugudbaan Baargaal,iyadoo taageerayaasha maamulkaasina ay leeyihiin waa nalasoo weeraray.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in uu jiro dhaawac ka dhashay isku hor imaadkaa.

Waxaannu ugu baaqaynaa in la joojiyo wax kasta oo keenaya isku hor imaad iyo inuu dhiig daato,odayaasha deegaankuna waa inay wax ka qabtaan xaaladda ka aloosan deegaanka Baargaal.

Maamulka Puntland na waa inuu odayaasha tixgaliyaa,uuna ka hortagaa dhiig daata arrimahana lagu dhameeyaa wada hadal.

Warbaahintuna waa inay noqota mid warar xaqiiq ah soo gudbisa.
Waxaa ka jira deegaankaasna Saacadaha soo socda ayaannu idiin soo gudbinaynaa haddii alle idmo.

Related News:

 

Somalia:Faahfaahin ku saabsan dhacdadii Baargaal

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com