Home > Drought and Starvation, Organization of the Islamic Conference, TFG Somalia, WARARKA > Turkey:Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Ururka Islaamka ee Istanbuul – AKHRI/DHAGEYSO

Turkey:Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Ururka Islaamka ee Istanbuul – AKHRI/DHAGEYSO

Thursday, August 18, 2011

Laaska News  August 18,2011        Warka TFG da
Madaxweyne Shariif oo la kulmay Madaxda dalka Turkiga

Istanbul (RM,Aug 17)

Shirkii OIC oo Istanbuul Ka Dhacay iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Qudbad ka Jeediyey

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay Shir ay kasoo qayb galeen madaxda Dalalka Shirweynaha Islaamka kaasi oo looga hadlayey xaaladaha abaareed ee ka jira dalka iyo Sidii ay dalalka Islaamku gacan uga geysan lahaayeen gurmadka ka socda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax ka kala socotay dalalka Islaamka waxaana dhanka Soomaaliya kulanka uga qeyb galay Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shirka ka jeediyey Qudbad dhinacyo Badan taabanaysay oo uu diiradda ku saaray xaalada dalka gaar ahaan saamaynta ay arrimaha Abaaraha ku yeesheen nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhagayso Qudbadda Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeediyey Shirka OIC oo Af Carabi ah.

Madaxweynaha-oo-khudbad-ka-jeediyay-OIC.wma

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya ay Saameyn ku yeesheen Abaaraha guud ahaanba ku dhuftay gobolka waxaana uu Madaxweynuhu dalalka Carabta uga mahadceliyey kaalinta ay u muujiyeen inay Shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin.

Dhamaanba Madaxdii ka hadashay shirka ayaa isku wada raacay inay waqtigan tahay lagama maarmaan in Shacbiga Soomaaliyeed loo wada gurmado ayadoo laga samata bixinayo Abaaraha Saameeyey Noloshooda waxaana Shirka dalalka Shirweynaha Islaamka uu kusoo gebo geboobay Jawigii loogu talagalay ayadoo Shirkaasina ay marti gelisay dowladda Turkiga.

 
Madaxweyne Shariif oo la kulmay Madaxda dalka Turkiga iyo Shirkii OIC oo Istanbuul Ka Furmaya

 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Kullamo gaar gaar ah kula qaatay madaxda dalkaasi .

Kulankii ugu horeeyey ayuu Barqanimadii maanta waxa uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed la qaatay dhigiisa dalkaasi Turkiga Cabdalla Guul waxaana Labada Madaxweyne ay kawada hadleen xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Labada dal iyo sida ay waqtigan dowladda Turkigu usii wadi karto Gar gaarka ay u sameyneyso dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha dalka Turkiga sida ay Dowladiisu ugarab taagan tahay shacbiga iyo dowladda Soomaaliyeed waxaana Madaxweyne Cabdalla Guul uu isna kulanka ka sheegay in dowladiisu ay ka go,antahay inay sii wado taageerada ay u fidinayso dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Kulanka Labaad ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu la qaatay Ra’isulwasaaraha dalkaasi Rajab Dayib Ordagon oo ay kawada hadleen arrimmo ay ugu horeeyso xaalada Bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo socdaalka uu Ra’isulwasaaraha Turkigu ku imaanayo magaalada Muqdisho waxaana ay isla meel dhigeen sida ay noqon doonto deeqaha ay dowladda Turkigu ku taageerayso Shacbiga Soomaaliyeed iyo sida Wafdiga Ra’isulwasaare Rajab Dayib Ordagan oo Muqdisho qaban qaabada lagu soo dhoweynayo ay ka socoto ay Magaalada ku imaan lahaayeen.

Dhinaca kale waxaa goordhow ka furmaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shirkii madaxda dalalka ku bahoobay ururka Shirweynaha Islaamka kaasi oo ay kaga hadlayaan xaaladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya gaar ahaan sidii dalalka Islaamku taageerro mideysan ugu fidin lahaayeen Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Wafdiga dhanka Soomaaliya Shirkan uga qayb galaya hogaaminaya ayaa qudbad ka jeedin doonno shirka taasi oo uu kaga hadlayo Saamaynta abaaraha gobolku ay ku yeesheen Soomaaliya.

RM.

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com