Home > TFG Somalia, TURKEY, WARARKA > Somalia: R/Wasaaraha Turkiga oo Booqday Soomaaliya & Warar kale oo TFG da + SAWIRRO

Somalia: R/Wasaaraha Turkiga oo Booqday Soomaaliya & Warar kale oo TFG da + SAWIRRO

Friday, August 19, 2011

Laaska News  August 19,2011

Muqdisho,Somalia – Waxaa maanta Booqasho ku tagay Caasimadda Soomaaliya  ee Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Turkiga oo isugu jira Wasiiradiisa ,saraakiil kale oo kamid ah dawladdiisa iyo xubno ka mid ah qoyskiisa(Xaaskiisa iyo Caruurta),waxaana loosoo dhaweeyay si heer sare ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday xerada Barakacayaasha,siiyayna caawimo,waxaa kale uu sheegay in waxyaalo badan kaqabanayo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.


Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaaraha Recep Tayyip Erdogan oo salaan ka qaadanaya ciidanka qalabka sida -Photo BBC Somali.

Warkii oo faahfaahsan ka skhri xagga hoose.

Warka TFG da

 Dowladda Turkiga oo Cisbital ka furtay xerooyinka Barakacayaasha

Dowladda Turkiga ayaa maanta cisbital ka furtay fagaarihii Terabuunka halkaas oo ay ku yaallaan xerooyin ay ku jiraan Barakacayaal aad u farabadan.

Cisbitalkan oo markiiba adeeg caafimaad u qaban kara boqollaal Bukaanno ah ayaa waxaa ka howlgalaya dhaqaatiir ka socota Wasaaradda caafimaadka Turkiga, kuwaas oo uu qalabkoodu u dhanyahay.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Ducaalle Aadan ayaa sheegay in Cisbitalkani uu leeyahay adeegyada caafimaadka qalab iyo dawaba, wuxuuna dowladda Turkiga uga mahadceliyay dadaalka ballaaran oo ay ugu jirto badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Furitanka Cisbitlkani ayaa ku soo beegmaya iyadoo R/wasaaraha Turkiga uu maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isla markaana kormeeray xerootinka kala duwan ee barkacayaasha.

Magacyada Wasiirrada iyo Shakhsiyaadka caanka ah ee la socda Ra’iisulwasaaraha Turkiga

R/wasaare Rajab oo lugeynayo Villa Soomaaliya
Ra’iisulwasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ardogan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, isagoo horkacaya wafdi aad u ballaaran oo ka kooban, wasiirro, Xildhibaanno, Fannaaniin iyo Dhaqaatiir.
Xubnaha Ra’iisulwasaare Ordogon ku wehliyay safarkiisa waxaa ka mid ah R.wasaara ku xigeenka Dowladda Turkiga Rajab Bozdog,Wasiirka arrimaha Dibadda Ahmed Daud Oglo.Wasiirka Caafimaadka Rajab Akdog,Wasiirka Beeraha iyo cuntada Mehdi Ekar ,Wasiirka haweenka Ms Fadma iyo saddex carruur ah oo uu dhalay Ra’iisulwasaare Ardogan, oo kala ah Labo gabdhood iyo wiil laguna kala magacaabo Sumaya, Isra iyo Bilaal.
Isra waxaa la socday Saygeeda Bered al-baynaali Ra’iisulwasaare Ardogan, waxaa sidoo kale la socotay xaaskiisa Aamina Ordogan
Sidoo kale Lix ka mid ah ganacsatada ugu waawayn Turkiga ayaa ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Ordogan
Afar ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Turkiga ayaa sidoo kale booqashadiisa ku wehliyay Ra’iisulwasaare Ordogan, fannaaniintaas oo lagu kala magacaabo Ashda,Pekan,Sabtab iyo Arenar.

Dhammaan wasiirrada la socda ra’iisulwasaaraha Turkiga, waxaa la socda xaasaskooda,waxaa iyaguna la socda in ka badan 40 wariye oo loogu talagalay in ay tabiyaan booqashada taariikhiga ah ee Ra’iisulwasaare Ordogan ku yimid Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare oo heshiis la saxiixatay hey’ad Turki ah oo qaabilsan waxbarashada

 

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ayaa faahfahin ka bixisay heshiis dhinaca waxbarashada ah oo ay wasaaraddu la gashay hay’ad lagu Magacaabo Niil international oo caawimaad waxbarasho siin doonta dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xakuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr.  Axmed Ceydiid  Ibraahim oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ay heshiis la gashay hey’adda Niil Intertional  ee  dalka Turkiga wuxuuna sheegay in hey’adani ay dhisi doonto xarumihii waxbarashada ee uu dalka lahaa  iyo qeybo ka mid ah adeegyada bulshada isagoo tilmaamay in howlaha ugu horreeya  ay hey’adaasi qabanayso ay noqondoonto dhanka Waxbarashada.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tibaaxay in  hey’adaasi  ay maclimiinta iyo ardeyda Soomaaliyeed siindoonto tababarro dibadda ah oo  kor loogu qaadayo aqoontooda si ay ugu faa’ideystaan dadka  Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli R/wasaaraha Turkiga uu maanta booqashho ku yimid Muqdisho iyadoo todobaadkii horena ay golaha wasiiradu ogolaadeen heshiis wasaaraddu la gasho hey’addaasi.

Safiirka Dowladda Turkiga oo warqadihiisa Danjiranimo U dhiibay madaxwayne Shariif,

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu goob joog ka haa Madaxwayne Shariif R.wasaarha Dalka Turkiga, Wasiirka Arrimaha Dibadad ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa looga guddoomay Safiifka Cusub ee Soomaliya u fadhin doona Dowladda aan walalaha nahay Ee Turkiga,

Safiirka cusub ayaa sheegay in uu aad u nasib badan yahay maadaama R.wasaarihiisiim Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda, madaxweyiha Dalkii Uu safiirka ka noqon lahaa ay goob joog ka yihiin Xafladda Uu warqadihiisa ku guddoonsiinaayo Madaxwaynaha Soomaliya.

Ra’isulwasaaraha Turkiga oo Booqanaya Xerooyinka ay Dadka Barakacayaasha ku Jiraan iyo Faah Faahin Safarkiisa Ku Saabsan

Ayadoo Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ay goor dhow kasoo degeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya Faah Faahinno dheeri ah oo la xiriira imaanshaha Wafdigaasi iyo Sida loosoo dhoweeyey.

Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weyhliya Marwadiisa, xubno katirsan golaha Wasiiradda dalkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka dalka Turkiga,Dhaqaatiir iyo Fanaaniin si’aad ah looga yaqaano dalkaasi.

Munaasabad aad u balaaran oo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana garoonka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra,isulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Salaan Sharaf ku siiyey gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga ayadoo gudaha garoonkana lagu xardhay Sawirka Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale Callamada Labada dal ee Walaalaha ah .

Markii lasoo dhoweeyey kaddib ayuu Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga iyo Wafdigiisa waxa ay booqasho ku tageen Xerada Rajjo ama Badbaado Laba ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay ku jiraan Kumanaan Qoysas ah oo Abaarta dalka Saameeysay darteed uga soo barakacay gobollada dalka ayadoo uu Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan uu mid mid u eegay xaalada ay ku suganyihiin dadka Barakacayaasha ah ee xeradaasi ku jira ayadoo dhaqaatiirta la socotana ay durba bilaabeen inay baaritaanno caafimaad iyo Baxnaaninba u sameeyaan Barakacayaasha taasi oo ay bar bar socoto deeq la siinayo dadka Xeradaasi ku jira.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Radio Muqdisho la hadlay isaga oo ku sugan kaamka rajo ee uu hada booqanayo Ra’isulwasaare Erdoğan ayaa tilmaamay in booqashada uu maanta Muqdisho ku yimid Wafdigani dowladda Turkiga ka socda guul usoo hooyatay Shacbiga Soomaaliyeed waxaase uu dhanka kale  baaq u diray kooxo Burcad Badeed ah oo gacanta ku haya Muwaadiniin u dhashay dalkaasi oo uu ka codsaday inay Si sharuud la’aan ah kusii daayaan ayaga oo eegaya Sida uu Mr Erdogan ugu damqaday dhibaatada Shacbiga Soomaaliyeed heysata.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn oo isna la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan Kaamka Rajjo ee uu hada Ra’isulwasaaraha Turkiga booqanayo ayaa shaaca ka qaaday in Wafdigan uu ku yimid si nabad ah islamarkaana taasi ay tahay mid ka turjumaysa Nabadda ka jirta dalka iyo Sida loogu guuleystay in Amniga La xaqiijiyo .

Waxa uu kaloo Booqan doonaa Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan Xerooyinka kale ee magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay xerrada ugu weyn ee Barakacayaasha Muqdisho ay ku noolyihiin ee Badbaado halkaasi oo ay Dowladda Turkigu deeqqo ka qeybin doonto.

Dowladda Turkiga oo Dib u Howlgalineysa Safaaraddeedii Soomaaliya

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay dib uga furanayaan safaaradii ay ku lahaayeen Soomaaliya iyadoo dhinaca kale ay ka hadashay booqoshada R/wasaaraha Turkiga ee uu ku imaanayo magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu ayaa hadalkan ka jeediyay  shir saxaafadeed uu qabtay kaddib markii uu dhamaaday  kulanka ururka iskaashiga islaamka ay ugu hadlayeen abaaraha Soomaaliya ee kusoo gabagaboobay magaalada Istanbul ee dalka Turkeyga.

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ay ku lahaayeen ay shaqeneysay xittaa kaddib burburkii Soomaaliya ee sanadkii 1991-dii balse la xiray xilli dhow kadib markii ay timid cabsi la xiriirta dhanka ammaanka.

Wasiirka mar uu ka hadlayay booqashada Ra’isul wasaaraha Recep Tayyip Erdoğan uu ku tagi doono magaalada  Muqdisho ayuu ku sheegay in ay tahay booqasho muujineysa in ay garab taagan yihiin dalka Soomaalida.

Sidoo kale mar uu ka jawaabayay su’aal laga wediiyay shir saxaafadeedkiisa wasiirka arrimaha dibadda Turkiga in howlgal laga fuliyo Soomaaliya ayuu ku sheegay in ururka Iskaashiga islaamka ay geeska Africa ay ka sameynayaan kormeer dhanka horumarka ah, Soomaaliyana ay ka mid tahay dalalkaasi taasoo looga wada arrinsanayo tallaabooyinka la qaadayo.

R/wasaaraha dalka Turkiga ayaa noqoya R/wasaarihii ugu horeeyay ee muddo labaatan sano booqosho ku yimaada dalka Soomaaliya.

.

Wafdi uu Hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Turkiga oo Muqdisho kasoo Degay

 

R/wasaaraha dalka Turkiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu Hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdoğanayaa mudo Seddax daqiiqo ka hor waxa ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana Wafdigaasi sida ilaa Laba diyaaradood kuwaasi oo ay saaranyihiin xubnaha Wafdiga.

Wariyeyaal ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa soo sheegay in Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ay Wafdigiisa ka midyihiin xubno katirsan gollihiisa Wasiirada iyo Qoyskiisa xubno ka tirsan.

Madaxda Sarre ee dalka oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Wafdigani heerka sarre ee ka socda dowlada Turkiga ayadoo sidoo kalena garoonka ay ku suganyihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Labada golle ee dowladda.

Munaasabad weyn oo lagu soo dhoweynayo Wafdigaasi ayaa hada ka socota gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyana ay Salaan sharaf Wafdigaasi iyo Madaxda dalkaba Siinayaan waxaana sidoo kale si weyn usoo dhoweynaya oo garoonka ku sugan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

RM.

Warka la xiriira:

Somalia:Situation in Somalia shocks Turkish Prime Minister

Halkan Ka Daawo VIDEO:

Somalia:Turkish PM visits famine victims in Somalia – VIDEO +

 

 
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com