Home > LIBYA, WARARKA > Libya: Dagaal ba’an oo ka socda Tripoli

Libya: Dagaal ba’an oo ka socda Tripoli

Sunday, August 21, 2011

Laaska News  August 21,2011

 Tripoli – Afhayeenka xukuumadda Liibiya oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu dagaal socdo dad badanna ay ku dhinteen ilaa haddana ay dhimashadu kabadan tahay 1300 oo qof.

Magaalada Tripolina ay weerar kusoo qaadeen Casaabaad iyo Huwanta.

 

 Mr. Muuse ayaa ku daray inay iyagu ay wadaan difaaca tripoli,isagoo ku daray in weerar lagu soo qaaday isagoo caalamka usheegay in la doonayo aargoosi.

Mr. Muuse ayaa sheegay in Qadafi xukuumadiisu diyaar u tahay wadahadal lana joojiyo dagaalka.

Mr.Muuse oo sidoo kale kula soo xiriiray Telefoon TVga Liibiya ayaa sheegay in dagaal Casaabaad ah iyo weerar cirka ah oo diyaaraadka Abaaji ay fulinayaan.

Mucaaradka Libiya oo sheegay inay qabteen qaar ka mid ah Qoyska Qadafi. Waxaa kale oo lagu soo waramayaa in meelo badan calamka Mucaaradka laga taagay meelo badan.

 

Nasrudiin Saytuuni oo ah xiriiriyaha Golaha Mucaaradka u qaabilsan Norway ayaa TV ga Ruushiya Alyoom u sheegay in mucaaradku ay qabteen laba wiil uu dhalay Qadaafi oo midkood yahay Saif Al Islam.

 

Waxaa kale oo warka qabashada Saif sheegay oo Al Arabiya TV ka sheegay ninka madaxda ka ah Golaha ay leeyihiin Mucaaradka ee lagu magacaabo Musdafa Cabdijaliil.

 

Musdafa Cabdijaliil ayaa qiray in ciidanka Qadaafi ay ka dirirayaan aagga idaacadda. Ciidamada Qadaafi ayaa wali Idaacadda haya,waxaase khalal fani galay Tv gii Liibiya oo googo’aya,walise hawada ku jira.

 

Labada shinaca ayaa qiray in diyaaradaha Huwantu ay duqayn wadaan
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements