Home > U GAR-GAR, WARARKA > Somalia:Fadlan u Gargaar Ilmo Yar oo Aan Xanuunkiisa Dalka Wax looga qaban Karin – SAWIRRO

Somalia:Fadlan u Gargaar Ilmo Yar oo Aan Xanuunkiisa Dalka Wax looga qaban Karin – SAWIRRO

Friday, August 26, 2011

Laaska News  August 26,2011        

Sahal Qaasim Diiriye waa canug yar oo Hal sano jir ah waxaa uu la xanuunsanyahay dhib ka soo gaaray intii ay hooyadii umusha kula jirtay xiligaasi oo walaalkiisa ka weyn oo Caloosha kaga istaagay.

Sahro Daahir Aadan waa hooyada dhashay wiilkan waxaa ay inoo sheegtay mar aynu booqanay in wiilkeeda yar uusan hurdin maalin iyo habeen toonna,cuntana uusan u qaadan Karin si wanaagsan maadaama marka cunto la siiyo ay u gudbeyso qaybaha hoose ee jirkiisa taa oo xitaa lugihiisa ku keeneya ama xubno jirkiisa ka tirsan barar.

“Habeen iyo Maalin Waa uu Taahayaa oo wuu iska ooyaa  waxa uu la ooyana waa xanuun ka heysta Xubnaha taranka Isbitaal walba oo aan geeynana wax waa looga qaban waayey dibadda u qaad ayaa nala dhahay mana awoodo inaan u wado Cisbitaal Dibadda ah” Ayey Tiri Sahro Daahir Aadan oo ah hooyada dhashay wiilkan.

Ugu dambeyntii waxa ay ugu baaqday qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa uu alle wax siiyey ee ku nool gudaha dalka ama dibadda inay ka caawiyaan sida wiilkeedan dhiban loogu heli lahaa gar gaar caafimaad oo Dibadda ah  maadaama aanan dalka wax looga qaban Karin.

 

 

 

 

 

This slideshow requires JavaScript.

PHOTO BY CABDIQADAR CAToosh

RM.

Aug 25.

 

 
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com