Home > WARARKA > ALGERIA:Xubno kamid ah Qoyska Qadaafi oo galay Aljeeriya

ALGERIA:Xubno kamid ah Qoyska Qadaafi oo galay Aljeeriya

Wednesday, August 31, 2011

Laaska News  August 31,2011                 ENGLISH
Aljaris ( Aug.29) – Qaar kamid ah qoyska hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ayaa gaaray Isniintii wadanka Aljeeriya sida ay ku warantay wakaaladda   rasmiga ah ee wararka u faafisa  wadankaas Aljeeriya  ee APS oo soo xiganaysa bayaan ay soo saartay wasaarada Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya.

.
Xaaska Qadaafi Safiya,Gabadhiisa Caa’isha,laba wiil u dhalay oo kala ah Hannibal & Maxamed oo ay waheliyaan caruurtooda ayaa galay Aljeeriya 08:45 ee saacadda wadanka (07:45GMT) kana galay xuduuda Aljeeriya – Liibiya,sida bayaanka lagu sheegay.

.

Saraakiisha Aljeeriya ayaa u ogolaaday inay qoyska Qadaafi  ay galaan wadanka ayna ka gudbaan marinka xuduuda Tinalcom ee Gobolka Illizi ee xuduuda Koonfur Bari,Jariidada maalinle ah Al Shuruuq ee laga leeyahay  Aljeeriya  kuna  hadasha afka Carabiga Website keeda ayaa lagu sheegay.

.
Kolonyo Liibiya ah oo ah 7 gaari oo ay saarnaayeen 31 qof,ayaa ahaa kuwo sugayay 12 saacadood inay kagudbaan xadka laga galo ka hor intaan ogolaansho ay ku galaan Aljeeriya lasiin,sida uu yiri war geyskaasi.

.

Xaaladda Caafimaad ee Caasha Qadaafi, oo sagaalkeedii go’ay ayaa keentay in loo ogolaado in kolonyadaasi ay galaan Aljeeriya,taasoo ogolaanayso heshiiska Dawliga ah ee Caalamka,sida  lagu sheegay warbixinta.

.

Laaska/Xinhua.

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com