Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Golaha Wasiirada oo Ku Dhawaaqay Waqtiga & Cidda Ka qeyb galaysa Shirka Wadatashiga – DHAGEYSO

Somalia:Golaha Wasiirada oo Ku Dhawaaqay Waqtiga & Cidda Ka qeyb galaysa Shirka Wadatashiga – DHAGEYSO

Thursday, September 1, 2011

Laaska News  Sept. 1,2011        Muqdisho,Somalia – Warka TFG da

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Golaha Wasiirada Oo Kulan Ay Yeesheen Kadib Soo Saaray Waqtiga iyo Cidda Kaqeybgalaysa Shirka Wadatashiga

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kulan ay kaga hadlayeen xaalada guud ee dalka kulankaasi oo ah shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

Kulanka Maanta ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali oo Furitaankii kulanka Golaha Wasiirada Faah Faahin ka siiyey safarkii uu dhowaan ku tagay gobollo ka tirsan dalka gaar ahaan maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug  waxaana uu Ra’isulwasaare C/weli tilmaamay in guud ahaanba safarkiisii uu kusoo dhamaaday guul.

Waxaa sidoo kale shirka warbixin looga dhagaystay gudiga qaban qaabada shirka wadatashiga ee dhowaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho oo iyagu mudooyinkanba waday qaban qaabada shirka waxaana ay warbixintooda ku faah faahiyeen halka ay qaban qaabadooda mareyso iyo xubnaha shirka kasoo qeybgalaya.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn oo kulanka kadib Wareysi Siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in xubnaha gudiga qaban qaabada Shirka Wadatashiga ee Afarta ilaa Lixda bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho ay soo gudbiyeen in meel wanaagsan ay wax umarayaan islamarkaana ergadii shirka loo qorsheeyey inay kasoo qeybgalaan ay diyaar yihiin.

Riix-Halkaan-Siaad-U-Dhageysato-Wareysiga-Wasiirka-Warfaafinta.mp3
Wasiirka Warfaafinta ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in inta shirku socday sidoo kale warbixinno laga dhagaystay gudiyada Amniga iyo Gargaarka Bani’aadannimo oo iyagu ka kala warbixiyey halka ay marayaan howlaha la xiriira Sugidda Amaanka magaalada Muqdisho oo maalmahan ay howlgallo ka socdaan iyo howsha la xiriirta gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee kusoo Barakacay magaalada Muqdisho

Shirka Wadatashiga ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho inta u dhaxaysa Afarta ilaa Lixda bishan September ayaa waxaa kasoo qeybgalaya dhamaanba xubno matalaya Umadda Soomaaliyeed maadaama shirka uu yahay mid looga tashanayo aayaha dalka marka laga gudbo waqtiga KMG ah ayadoo dhinacyada sida gaarka ah looxusayna ay yihiin Hay’adaha Dowladda sida Xukuumadda iyo Baarlamaanka,maamul goboleedyada dalka Puntland,Somaliland,Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

Guud ahaanba Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta ayaa waxaa uu kusoo gabo gaboobay jawi wanaagsan ayadoo qodobadii laga hadlayna ay dhamaantood Goluhu ay isku afgarteen.

RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com