Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday Holand

Somalia:Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday Holand

Thursday, September 1, 2011

Laaska News  Sept. 1,2011                  Warka TFG da

 

Muqdisho,SomaliaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa si wadajir ah u qaabilay wafdi heer wasiir ah oo ka socday Dowladda Holand.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/llaahi Goodax Barre ayaa Radio Muqdisho u sheegay in wasiirka Holand u qaabilsan dhinaca Iskaashiga uu Muqdisho soo gaaray isla markaana uu la kulmay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka, waxeyna ka wada hadleen ayuu yiri arimo badan oo ay ka mid yihiin dhibaatada wadanka ka taagan oo ay ugu horreeyso abaarta.

Dowladda Holand ayuu sheegay wasiirku in ay ka mid tahay wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya isagoo intaa ku daray in kulankii uu wasiirkaasi la qaatay Madaxda qaranka uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo qulqulayay mas’uuliyiin ka tirsan wadamada caalamka kuwaas oo u kuurgalayay xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dalka.

RM.

  SAWIRRO/PHOTO:
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com