Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Dagaallada Gaalkacyo – WARSAXAAFADEED

Somalia:R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Dagaallada Gaalkacyo – WARSAXAAFADEED

Saturday, September 3, 2011

Laaska News  Sept. 3,2011
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa baaq nabadeed goor dhow u jeediyey dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa.

Halkan Hoose Ka Aqri Warsaxaafadeedka.

War-saxaafadeed
Baaq nabadeed oo ku aadan dagaalka Gaalkacyo

Muqdisho, Sabti, September 3, 2011——-Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli

Maxamed Cali Gaas ayaa maanta baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasoo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay dagaaladaasi,wuxuuna Alle uga baryayaa inuu janada ka waraabiyo, inta dhaawac ahna bogsiiyo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr.Cabdiweli waxa uu ugu baaqay dhinacyada is haya in wixii dhibaato ah ee jirta ay ku dhameystaan  walaaltinimo iyo isafgarad, wuxuuna ka dalbaday in cid kasta oo nabadgelyada wax u dhibeysa ay hal meel uga soo wadajeestaan.

“Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay ka qeybqaadato daminta colaada iyo inay gacan ka geysato sidii ay gurmad caafimaad u heli lahaayeen dhaawacyada dagaalka wax ku noqday” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

“Si gaar ah waxaan doonayaa inaan baaq ugu jeediyo odayaasha,waxgaradka iyo dhalinyarada degaanadaasi, waxaana leeyahay waa inaad iska kaashataan ka hortaga cid kasta oo nabadgelyada degaanadaasi wax u dhimeysa”.

 

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in Xukuumadu ay diyaarineyso sidii ay halkaasi ugu diri laheyd guddi nabadeed oo gacan ka geysta xalinta khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay.

 

-DHAMAAD

RM

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com