Home > PUNTLAND, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Islaan Bashiir Islaan Cabdillle oo baaq ka soo saaray xaaladaha Gaalkacyo

Somalia:Islaan Bashiir Islaan Cabdillle oo baaq ka soo saaray xaaladaha Gaalkacyo

Monday, September 5, 2011

Laaska News  Sept. 5,2011                 BAAQ         NABADEED

 Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ka mid ah isimada loogu xurmada badan yahay gobolada Puntland ayaa maanta soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan xaaladda magaalada Gaalkacyo.

 

Islaanka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada magalada, waxaana baaqaasi oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Radio Muqdisho uu u qornaa sidan:-

Waxaan ugu horrayn tacsi u dirayaa dhamaan dadkii eheladoodu ku geeriyootay dagaaladii ka dhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo, waxaan kaloo Illaahay u waydiinayaa inuu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay.

Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo baaqaas oo ku salaysan Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee ummadda.

Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay labada dhinacba si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda iyo wax kasta oo keeni karta colaad danbe iyo dagaal.

Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay wada hadal ku xalliyan dhibaatada jirta.

Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay amniga iyo deganaanshaha Magaalada Gaalkacyo si wadajir ah uga wada hortagaan wixii wax u dhimaya.

Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay gudaha Magaalada Gaalkacyo inay dhawraan wada dhalashada iyo wada dhaqanka dadka ehelka ah ee ku wada nool magaalada gaalkacyo.

 Sidoo kale waxaan bulshada Gobolka Mudug iyo jaaliyadaha dibadda u soo jeedinayaa in la soo taakuleeyo dad farabadan oo ku wax yeelloobay dagaaladii ka dhacay Magaalada.

                                                     Wabillaahi Tawfiiq

Sept. 4,2011.

RM

Related Articles:

Somalia: Puntland waa inay ka saartaa Ciidanka Deegaanka Leylkase ee Dagaalku ka dhacay intaanay miyiga gaarin

 Somalia:R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Dagaallada Gaalkacyo – WARSAXAAFADEED

Somalia:Qasaaraha Ka Dhashay Dagaal Gaalkacyo Ka Dhacay oo Sii Kordhaya

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: