Home > PUNTLAND, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Dagaalada Gaalkacyo Oo Xabad Joojin Laga Gaaray

Somalia:Dagaalada Gaalkacyo Oo Xabad Joojin Laga Gaaray

Tuesday, September 6, 2011

Laaska News  Sept. 6,2011                            Warka TFG da

 Waxaa xalay si rasm ah uga dhaqan galay magaalada Gaalkacyo xabad joojin oo ka kala gaareen odayaasha dhaqan ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyo beeleedyo dhawaan halkaasi ku dagaalamay.

Odayaasha dhaqanka magaalada Gaalkacyo oo maalmahan waday dadaal aad u xooggan kaasi oo ku aadan in xabad joojin la kala dhex dhigo ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland iyo maleeshiyo beeleed halkaasi kasoo jeeda ayaa waxaa xalay lagu guulleystay in lagu dhawaaqo xabad joojin rasmi ah.

Waxragarka iyo odayaasha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dagaal uusan wax faa’ido ah la hayn sidaa dareedna ay doonayaan in nabadda la qaado islamarkaana la joojiyo dagaalka ka aaloosan magaalada.

 Dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii ay shalay ay ku kala saxiixdeen madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug kaasi oo ka hadlaya y in la wada shaqeeyo islamarkaana la is cafiyo.

 

RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: