Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Xukuumadda Soomaaliya oo faahfaahisay socdaalka wafdi ballaaran oo Turkiga ka socda (WAR-SAXAAFADEED)

Somalia:Xukuumadda Soomaaliya oo faahfaahisay socdaalka wafdi ballaaran oo Turkiga ka socda (WAR-SAXAAFADEED)

Tuesday, September 13, 2011

Laaska News  Sept. 13,2011

Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Faahfaahin Ka bixisay socdaalka ay Muqdisho ku yimaadeen wafdi ballaaran oo ka socda dalka Turkiga.

 

War Saxaafadeed

Wafdi ballaaran oo Muqdisho u yimid mashaariic horumarineed iyo gaarsiinta deeq gargaar

 

(Muqdisho, Sebteembar 12, 2011) Wafdi ka kooban 213 xubnood oo ka socda dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si ay wax uga ogaadaan baahida dalka iyo fursadaha ganacsi ee dalka ka jira. Waa wafdigii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ee dalka yimaada tan 1991kii.

 

Wafdigan wuxuu ka kooban yahay mas’uuliyiin ka kala socota wasaaradaha Arrimaha Dibedda; Deegaanka iyo Qorsheynta Magaalooyinka; Cuntada Beeraha iyo Xoolaha; Dhirta iyo Biyaha; Gaadiidka; Caafimaadka; iyo Agaasinka Arrimaha Diinta; iyo weliba Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha; Maamulka Horumarinta Guriyeynta iyo Bisha Cas ee Turkiga.

 

Wafdiga oo uu hoggaaminayay safiirka Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Mudane Kani Torun, waxay soo kormeereen meelaha ay daneynayeen, iyagoo fursad u helay inay la kulmaan wasaaradaha, hay’adaha, iyo ganacsatada si u sameeyaan daraasad khuseysa hadba meesha ay daneynayaan oo kala ah caafimaadka, biyaha, guriyeynta, gaadiidka, iwn.

 

Maamulaha Guud ee Shirkadda Diyaaradaha ee Turkiga, Dr. Temel Kotil, ayaa sheegay inay qalab casri ah soo gaarsiiyeen garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, isagoo ka dhawaajiyay war aad u farxad badan oo ah in diyaaradda Turkigu billaabi doonto duullimaad caalami ah oo ku imaaneyso magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigeysa diyaaraddii ugu horreysay ee muddo 21 sano ah duullimaad caalami ah ku timaadda magaalada Muqdisho. Maamulaha Shirkadda waxaa la socday injineerro dayactiraya garoonka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Sheekh Shariif Sheekh Axed ayaa madaxtooyada ku qaabilay qaar ka mid ah wafdiga, isagoo qado-sharaf u sameeyay. Madaxweynuhu wuxuu yiri:

“Wafdiga tiradan leh wuxuu muujinaya sida Xukuumadda iyo Shacabka Turkigu ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed xilligii ay ugu baahi badnaayeen iyo in la dhaqan-gelinayo ballanqaadyadii uu sameeyay Ra’iisul wasaaraha Turkiga.”

 

Isagoo soo dhoweynaya wafdiga ayaa Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdulweli Maxamed Cali uu yiri:

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan wafdigan ku soo dhoweeyo Muqdisho, sababtoo ah iskaashi aan la yeelano Turkiga oo dhinacyo badan ah iyo horumarinta dhaqaalaha waxay noo leedahay ahmiyad weyn.”

 

Booqashadii Ra’iisul-wasaaraha Turkiga Rajab Tayib Erdogan uu ku yimid Muqdisho waxay meesha ka saartay in magaaladu tahay meel aan soo aadi Karin, waxay dareenka caalamka ku soo duwday arrimaha Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, Mudane Xuseen Carab Ciise oo ah Ra’iisul-wasaare ku-xigeen ayaa maanta guddoomay deeq gargaar oo gaareysa 5,000 ton (5 kun oo tan) oo ka timid dalka Turkiga. Deeqda waxay ka kooban tahay teendhooyin, cunto, shan ambalaas oo qalabeysan, iyo qalab kale.

 

Ka sokow in wax laga qabto abaarta iyo macluusha dalka ka jirta, Xukuumadda Soomaaliya waxay caalamka ka codsaneynaa in laga caawiyo sidii loo qorsheyn lahaa mustaqbalka iyadoo dalka la nabadeynayo, lana horumarinayo dhaqaalaha si Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

 

DHAMMAAD
.

September 12, 2011
Muqdisho.
 

 

Wafdi Ballaaran Oo Ka Socda Dowladda Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaaray
 September 12, 2011
Wafdi aad u ballaaran oo ka socda Dowladda ay walaalaha nahay ee Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta ayadoo Wafdiganna si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdigan ka socday Turkiga ayaa gaarayey 213 Xubnood waxaana ay isugu jireen Injineero,Samafaleyaal iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha dalkaasi ayadoo sidoo kalena xubnaha Wafdiga ay ka mid ahaayeen ganacsato uu kujiray Madaxa Shirkadda Turkish Airways.

Safiirka cusub ee ay Dowladda Turkigu dhowaan usoo magacaawday Soomaaliya Danjire Kani Toron oo Wafdigani hogaaminayey ayaa saxaafadda u sheegay in u jeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay ka dhabaynta balan qaadyo ay horey Dowladda Turkigu ugu samaysay Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen dib u dhis lagu sameeyo Xarummo Cisbitaallo u badan oo ku yaala magaalada iyo Wadooyin muhiim ah oo dib loo dayactiro.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa islamaanta waxa ay Dowladda Turkigu ka soo dejisay qalab casri ah  oo loogu tallagalay in lagu hormariyo garoonka waxaana Madaxa Shirkadda Turkish Airways oo saxaafadda lahadlay uu tilmaamay in hadii qalabkan la rakibo maalin kasta magaalada Muqdisho uu ka bixi doonno duulimaad ay samaynayso shirka Turkish Airways kaasi oo tegi doonna 140 dal oo Caalamka ah.

Wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa waxaa markii ay kormeereen meello badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho kadib ay la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Xafiiskiisa ku qaabilay waxaana uu Madaxweynuhu Dowladda Turkiga uga mahad celiyey taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed.
 RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com