Home > TFG Somalia, WARARKA > R/Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali oo Bixiyay Wareysi Dhinacyo badan taabanaya – Dhageyso

R/Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali oo Bixiyay Wareysi Dhinacyo badan taabanaya – Dhageyso

Sunday, September 18, 2011

Laaska News  Sept. 18,2011                        Warka TFG da

 Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali oo socdaal Shaqo ku jooga magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaalada Dalka gaar ahaan dhinacyada Ammaanka,Siyaasadda iyo Gargaarka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen.

Mudane C/weli Maxamed Cali oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Washington Dc ayaa ugu horeyn ka hadlay kullammo kala duwan oo uu la qaatay mas’uuliyiin ka tiran Dowlada Mareykanka iyo qaar ka mid ah Hay’adaha gargaarka waxaana uu tilmaamay Ra’isulwasaaruhu in dhamaanba kullamadaasi ay ku saabsanaayeen xaaladda dalka gaar ahaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysiga Ra’isulwasaaraha Soomaaliya

 

Mar sidoo kale wax laga weydiiyey Mudane C/weli Maxamed Cali Ra’isulwasaaraha Dalka waxa hakiyey howlgaladii lagu sugayey Ammaanka ee dalka looga sifeeynayey Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa tilmaamay in howlgaladaasi ay sii socon doonaan balse hada ay jiraan qorshayaal lagu sugayo Ammaanka goobihii horey looga saaray Maleeshiyada Khawaarijta kuwaasi oo maraya meel wanaagsan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha gargaarka iyo caqabadaha soo wajaha waxaana uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya marnaba aysan ogoleyn dhibaato la gaarsiiyo dadka Barakacayaasha ah ee gobollada Dalka kasoo barakacay islamarkaana dadkii horey dhibaatooyin Barakacayaasha u gaarsiiyey hada ay xiran yihiin lana ciqaabi doono wixii hada ka dambeeyana ay Dowladdu sameyn doonto wax walba oo looga hortagayo dhibaato soo gaarta Barakacayaasha.

Mudane C/weli Maxamed Cali oo ka jawaabayey Su’aal ahayd in Dowladdu cafis u fidineyso Horjoogayaashii dambiyada ka galay Shacabka Soomaaliyeed ee hogaaminayey kooxdii awoodeeda la wiiqay ee Shabaab ayaa yiri”Dowladdu waa Dowlad dib u heshiisiin cid walba oo Nabadda ogol wadahadal way lageleysaa balse Dagaal oogeyaashii hogaaminayey Shabaab ee Umadda dembiga ka galay in la cafinayo iyo inkale waxaa go’aan ka gaaraya Dowladda guud ahaan ee aniga kaligay ma ahan”

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed ugu dambeyntii inay ayaga oo mideysan ka shaqeeyaan sidii ay u adkeysan lahaayeen guusha ay gaareen iyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen sugidda Ammaanka Dalka iyo horumarkiisa guud ahaanba.

Mudane C/weli Maxamed Cali ayaa dalka Mareykanka kaga qeybgalaya shir uu golaha Ammaanka ka yeelan doono xaalada dalka gaar ahaan dhinacyada Ammaanka iyo Gargaarka lasoo gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen waxaana uu horey uga qeybgalay kullammo kala duwan oo uu la yeeshay Dowladda Mareykanka Mas,uuliyiin ka tirsan iyo Jaalliyadaha Soomaaliyeed.
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: