Home > Baarlamaanka Soomaaliya, PUNTLAND, WARARKA > Somalia:Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Hawlo Nabadeyn Ah U Tagay Puntland

Somalia:Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Hawlo Nabadeyn Ah U Tagay Puntland

Sunday, September 18, 2011

Laaska News  Sept. 18,2011
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u tagay deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland dhamaystirka dadaalada Nabadda ah ee laga gaarayo dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaanadani ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta  ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayadoo halkaasi ay kusoo dhoweeyeen mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo u hadlay Xildhibaanadan ayaa tilmaamay in u jeedada ay u yimaadeen magaalada Garoowe ay tahay sidii ay uga sii qeyb qaadan lahaayeen qorshayaasha lagu dhameystirayo Nabadda magaalada Gaalkacyo.

Mudanayaashani ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo hada ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa marka ay la kulmaan mas,uuliyiinta maamulkaasi ka dib ay u ambabixi doonaan magaalada Gaalkacyo oo kullamada ugu dambeeya ee lagu soo afjarayo dagaaladii dhowaan ka dhacay Gaalkacyo dhankeeda Waqooyi ay ka dhici doonaan.

 RM.

Somalia:Dagaalada Gaalkacyo Oo Xabad Joojin Laga Gaaray

Somalia:Islaan Bashiir Islaan Cabdillle oo baaq ka soo saaray xaaladaha Gaalkacyo

Somalia: Puntland waa inay ka saartaa Ciidanka Deegaanka Leylkase ee Dagaalku ka dhacay intaanay miyiga gaarin

Somalia:Dhaawacyadii dagaalki Gaalkacyo Oo Muqdisho Lageeyay

Somalia:R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Dagaallada Gaalkacyo – WARSAXAAFADEED

 
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: