Home > AMISOM, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Wasiirka Gaashaandhigga Ugandha Oo Muqdisho Soo Gaaray

Somalia:Wasiirka Gaashaandhigga Ugandha Oo Muqdisho Soo Gaaray

Monday, September 19, 2011

Laaska News  Sept. 19,2011
Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Ugandha ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho kadib markii uu casuumad ka helay dhiggiisa dalka.

wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa uuna sheegay wasiirka gaashaandhigga Ugaandha in uu u kuurgalayo xaaladda amaanka iyo sida ay Muqdisho uga howlgalaan ciidamada nabad ilaalinta Amisom, isagoo intaa ku daray in dalkiisu uu ciidamo kale ku soo kordhindoono ciidamada Amisom ee jooga Muqdisho.

Tan iyo markii Muqdisho laga saaray maleshiyaadkii Shabaab ayaa waxaa soo hagaagayay amaanka Muqdisho iyadoo ay isa soo tarayeen wufuudda kala duwan ee soo gaareysa magaalada Muqdisho,  taas oo muujineysa sida dowladda KMG ah ay ugu  guuleysatay sugida amaanka Muqdisho.

RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com