Home > PUNTLAND, WARARKA > Somalia:Kooxo Hubeysan Oo Wariye Ku Dhaawacay Boosaaso

Somalia:Kooxo Hubeysan Oo Wariye Ku Dhaawacay Boosaaso

Thursday, September 22, 2011

Laaska News  Sept. 22,2011  Warka TFG da
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhow ku dhaawaceen Wariye ka mid ah wariyeyaasha ka howlgalla idaacadaha kuyaala magaaladaasi.

Wariye Xasan Maxamed Cali Anteeno oo ka shaqeynayey idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray rasaas ay ku dhufteen kooxo bastoolado ku hubeysan oo waxyeeleeyey xili uu Wariyuhu fadhiyey goob shaaha laga cabo oo ku dhow xarunta Idaacadaasi.

Wariyeyaal ka howlgalla idaacadda iyo mas’uuliyiinta idaacadaasi ayaa  u sheegay Radio Muqdisho in Xaalada Caafimaad ee Wariye Xasan Anteeno ay tahay mid aad u liidata balse dhaqaatiirtu ay xaaladiisa ku dadaalayaan.

Kooxaha falkan u geystay Wariye Xasan Anteeno ayaa isaga baxsaday goobta falka uu ka dhacay mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka magaaladaasi balse falkan ayaa imaanaya xili magaalada ay ka socdeen howlgallo Ammaanka lagu adkeynayo.

RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com