Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga oo u mahadcelisay Dawladda & Shacabka Turkiga

Somalia:Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga oo u mahadcelisay Dawladda & Shacabka Turkiga

Thursday, September 22, 2011

Laaska News  Sept. 22,2011

 

Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga Oo Dalkaasi Uga Mahadcelisay Taageerada Ay Shacbiga Soomaaliyeed La Garab Taaganyihiin

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa uga mahad celisay Dowladda  dalkaasi  taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yahiin Shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka.

Kadib kulan uu la qaatay Kusimaha Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Mudane Nuur Sheekh Xaamud, Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga Mudane Recep Akdag waxaana uu Safiirku uu ugu horeyn uga mahad celiyey Dowladda Turkiga sida ay isu garab taageen Shacbiga Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu Saameeyeen.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa uu Kusimaha Safiirka uu kala hadlay Wasiirka Caafimaadka dalka aynu walaalaha ee Turkiga sida loo hirgelin lahaa dhismaha ay Dowladda Turkigu ku sameynayaan Cisbitaallo ku yaala magaalada Muqdisho, tababaro loo sameeyo dhaqaatiir iyo kal kaaliyeyaal caafimaad oo Soomaali ah waxaana ay isku afgarteen in la sugo Ammaanka Cisbitaallo guurguura  oo la keenayo Dalka.

Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga Mudane Recep Akdag oo isna kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn tilmaamay in Dowladda Turkiga ay sii wadi doonto Taageerada ay u fidinayaan Shacbiga Soomaaliyeed waxaana uu ballan qaaday inay gudaha dalka ka hirgelin doonaan Todobo Sano oo Mashruuc lagu hormarinayo Caafimaadka .

 

Walaalaha Turkiga ayaa kaalinta koobaad ilaa hada uga jira gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen waxaana booqasho uu magaalada Muqdisho ku yimid Ra’isulwasaaraha Dalkaasi Receb Dayir Erdogan ay noqotay mid indhaha Caalamka kusoo jeedisa Saameynta Abaaraha gobolku ay ku yeesheen dadka Soomaaliyeed.
 RM.

Related:

 Turkey Aid To Somalia

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com