Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Xukuumadda oo magacawday Guddiga Khubarada ee Qabyo-qoraalka Dastuurka (War Saxaafadeed)

Somalia:Xukuumadda oo magacawday Guddiga Khubarada ee Qabyo-qoraalka Dastuurka (War Saxaafadeed)

Monday, September 26, 2011

Laaska News  Sept. 26,2011        Warka TFGda

War Saxaafadeed

(Muqdisho, 26 Sebteembar, 2011) Iyadoo la fulinayo Roadmap-ka, Ku-simaha Ra’iisul-wasaaraha, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xuseen Carab Ciise, wuxuu maanta ku dhawaaqaydhisitaanka Guddiga Khubarada ee caawin doona diyaarinta Dastuurka Qabyada ah.

Magacyadooda waxay kala yihiin:

1. Dr. Cali Saciid Fiqi

2. Maxamed Sheekh Cusman Jawaari

3. Prof. Axmed Cabbaas Axmed

4. Dr. Shukriya Cabdiraxman Diini

5. Prof. Maxamuud Macallin Ali (Turyare)

6. Avv. Caasha-kiin Faarax Ducaale

7. Cali Sheekh Maxamuud Gacal

8. Hanan A. Ibrahim

9. Avv. Cali Cabdalla Dafeed

Khubaradan waxaa lagu doortay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin qaanuunka, waxaana laga filayaa inay ka soo baxaan howlaha loo igmaday bilaha soo socda.

Xukuumadda Federaalka KMG ah waxay ka codsaneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan inta ay khuseyso inay si dhammeystiran u taageeraan howshan sharafta badan.

DHAMMAAD

RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com