Home > Somali Students, TFG Somalia, WARARKA > Somalia: Madaxweyne Sheikh Shariif oo sagootiyay Arday Deeq wax Barasho kaheshay Turkiga – AKHRI/DHAGEYSO +SAWIRRO

Somalia: Madaxweyne Sheikh Shariif oo sagootiyay Arday Deeq wax Barasho kaheshay Turkiga – AKHRI/DHAGEYSO +SAWIRRO

Wednesday, September 28, 2011

Muqdisho,Somalia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu sagootinayay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Turkiga.

 

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Dardaaranka Madaxweynaha Uu U Jeediyey Ardayda Waxbarashada U Aaday Turkiga

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ardayda ugu hambalyeeyay fursadda wax barasho oo ay heleen, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay ardaydaasi wax barashada u aadeysa dalka Turkiga.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu wasaaradda waxbarashada ku amaanay dadaalka ay ardadaasi ku xushay,  isagoo ku guubaabeyay wasaaradda in ay dadaalkeeda sii labalaabto.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif ayaa ardayda kula dardaarmay in ay kordhiyaan dadaalkooda waxbarashada isagoo xusuusiyay in ay heleen fursad qaali ah oo ay tahay in ay ka faa’iideeystaan.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay wuxuuna mar kale kula dardaarmay in ardaydaasi in ay la yimaadaan dadaal wax ku ool ah si ay uga mira dhaliyaan hadafkooda ku aadan ku guuleysashada waxbarashada.

Ugu danbeyntii wuxuu madaxweynuhu uga mahadceliyay dowladda Turkiga gargaarka ballaaran oo ay u fidisay ummadda Soomaaliyeed.

 

This slideshow requires JavaScript.

Photo By : Cadaawe

Sept 27.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: