Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Dagaal ka dhacay Deegaan ka tirsan Garbaharey

Somalia:Dagaal ka dhacay Deegaan ka tirsan Garbaharey

Wednesday, September 28, 2011

Laaska News  Sept. 28,2011
Tuulo ku dhaw magaalada Garbaharey ayaa Dagaal culus ku dhex maray ciidamada dawladda iyo kuwo xarakada Al shabaab.

Tuuladan oo ku taal duleedka Garbaharey ayaa lagu soo waramayaa inay horay ay gacanta ugu hayeen ciidamada Alshabaab haddana ay lawareegeen Ciidamada Dawladdu sida uu sheegay sarkaal u hadlay dawladda oo warbaahinta la hadlay kadib markii Ciidamada Dawladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ay weerar ku qaadeen goobtaas.

Lix qof ayaa ku dhimatay 11 kalana weyku dhaawacan tay dagaal culus oo saaka waabarigii ka qarxay deegaanka R.qode oo qiyaastii 12 km kaga beegan dhinaca Bari  magaalada Garbaharay ee Gobolka Gedo,wararka aannu halkaa ka helayno ayaa sheegaya in dagaalku  uu bilawday kadib markii ciidamada xaeakada al mujaahidiin oo muddo halkaa ku sugnaa ay weerar ku qaadeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Maxamuud Shiikh Adan oo ah mudane  ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Degmada Garbaharey ayaa BBC da u sheegay in dagaalku hadda joogsaday,dhulka lagu dagaalamayna ay gacanta ku hayaan ciidamada Dawladda Soomaaliya,majiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka xarakada Al shabaab oo ku wajahan dagaalkii saaka ee aagaasi ka dhacay.

Shalay ayay ahayd markii deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo  tababar loogu soo gabagabeeyay ciidamo katirsan dawladda KMG Soomaaliya kuwaas oo la sheegay inay ku wajahan yihiin qaybo ay gacanta ku hayaan ee Baay iyo Bakool iyo qaybo kamid ah Gobolka Gedo,sidaana waxaa sheegay wariye Dhoore oo usoo waramay BBC da.

Deegaanadaa ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay deegaanada ay abaartu waxyeelo badan ugeysatay,ayna ku sugan yihiin dad badan oo qaxooti ah.

 

Waxaannu ugu baaqaynaa dhammaan Labada dhinac ay dirirtu ka dhaxeyso inaysan israacin Colaad iyo Abaar.

Siyaasadda Dagaalkana lagu badalo wadahadal,qof walbaana waa inuu nabad galyo helaa.

 
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com