Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:IGAD oo ka mid noqoneysa La-guddoomiyeyaasha Guddiga Farsamada ee Dhaqan-gelinta Qorshaha Tusmeysan -War Saxaafadeed

Somalia:IGAD oo ka mid noqoneysa La-guddoomiyeyaasha Guddiga Farsamada ee Dhaqan-gelinta Qorshaha Tusmeysan -War Saxaafadeed

Wednesday, September 28, 2011

Laaska News  Sept. 28,2011            War Saxaafadeed
Muqdisho,Somalia – Warka TFG da – RM 

Urur-ogobleedka IGAD ayaa ka mid noqonaya La-guddoomiyeyaasha Guddiga Farsamada ee Dhaqan-gelinta Qorshaha Tusmeysan, sida lagu xusay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka KMG ah. War Saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

(Muqdisho, 28 Sebteembar, 2011) Xukuumadda FKMG ayaa ku dhawaaqday in Ururka IGAD uu ka mid noqonayo La-guddoomiyeyaasha Guddiga Farsamada ee Dhaqan-gelinta Qorshaha tusmeysan.

IGAD waxay ku biireysaa la-guddoomiyeyaashii horay u jiray oo kala ahaa:

 Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda FKMG.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

DHAMMAAD

Xafiiska Xiriirka, Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com