Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Khudbaddii Madaxweyne Shariif ujeediyay Ardayda Heshay Deeqda Waxbarasho ee Turkiga & Wareysi (Wasiirka Ganacsiga ,Hadraawi) & Warar kale

Somalia:Khudbaddii Madaxweyne Shariif ujeediyay Ardayda Heshay Deeqda Waxbarasho ee Turkiga & Wareysi (Wasiirka Ganacsiga ,Hadraawi) & Warar kale

Wednesday, September 28, 2011

Laaska News  Sept. 28,2011                  Warka TFG da

Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Safarro Uu Ku Tagay Dalal Yurub Ka Tirsan(Dhageeyso)

Ku Simaha R.Wasaaraah Soomaaliya ahna Wasiirka  gancsiga iyo Warshaddaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa faahfaahin ka bixiyay kulammo uu la qaatay madax ka tirsan dowladaha Swden iyo Poland xilli uu dhawaan safar shaqo kusoo kala bixiyay wadamadaasi.

Mudane Cabdi Wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Ku simaha R.wasaaraaha dalka ahna wasiirka ganacsiga iyo Warshaddaha oo maanta xafiiskiisa wareysi qaas ah ku siiyay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu shararaxaad dheer ka bixiyay safarro uu dhawaan ku tagay wadamada Sweden  iyo Poland oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Wasiirka ayaa ugu horeyntii tilmaamay in markii u tagay dalka Sweden uu la kulmaay masuuliyiin ka tirsan dowladdaasi oo ay kamid tahay  haweeneyda wasiirka iskaashiga caalmaiga ah ka ah wadanka Sweden  ,waxa uuna xusay in ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin  sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaateysan, dardar gelinta iyo xoojinta ganacsiga iyo dib usoo nooleyntaa warshadihii ay laheyd Soomaaliya..

`Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa dhanka kale hoosta ka xariiqay in dowladda Poland uu kala kulmaay masuuliyiin sar sare kuwaas oo ay ka wada hadleen dhinaca ganacsiga iyo warshaddaha waxa ayna ballan qaadeen buu yiri wasiirku inay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii dib u dhis ballaaran loogu sameyn lahaa warshadihii dalka islamarakaan ay dhowaan xubno ka tirsan dowladda Poland imaan doonaan magaalada Muqdisho si ay u hirgeliyaan ballaan qaadkooda.

Ku simaha R/wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka ganacsiga iyo warshaddaha C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed dhamamntood in ay midoobna oo ay gacmaha is qaabsadaan si meesha looga saaro dagaalka muddo ka badan 20 sano ka soconaya guddaha Soomaaliya.

Riix Halkan  Si Aad U Dhageeysato Waraysiga Wasiirka

END.

.
Puntland: Dagaalkii Gaalkacyo oo heshiis laga gaaray

 
Published on September 28, 2011
Guddigii ku howllanaa dhax dhexaadinta dagaalladii dhex maray maamulka Puntland iyo mid ka mid ah beellaha dega magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in heshiis kama danbesy ah laga gaaray arrimahaasi.

Kullan ballaaran oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka Puntland iyo mid ka mid ah Qabbaa’ilka dega magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo uu soo qaban qaabiyay guddiga dhex dhexaadinta ee loo xil saaray dhameeyta colaadda ka dhex jirtay Puntland iyo mid ka mid ah beellaha degta halkaasi ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah uu ku wajahan dhinacyadii is hayay.

Qodobada laga soo saaray kullanka ayaa waxa uu nuxurkoodu ahaa in la joogiyo colaadda iyo kala qaybsanaanta, iyadoo loogu baaqay maamulka Puntland in uu ka shaqeeyo nabadda iyo xasilloonida deegaanka.

Waxaana lagu dhawaaqay in lasoo afjaray dagaalkii ka dhex jiray Puntland iyo maleeshiyo beelleedkii la dagaallamtay.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa degan iyadoo xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay ka jireen xaalad deganaansho la’aan ah.

.

Somalia:Abwaan Hadraawi”Waxa Aan Aduunka Ugu Jeclahay Waa Wadajirka Iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed(Dhageyso)

Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Pr Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo dhowaan magaalada Muqdisho yimid islamarkaana hogaaminayey Wafdi ka socday walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa Wareysi uu siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu uga waramay Safarkiisii Muqdisho iyo sida uu arko xaaladda Dalka.

Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Wareysi Uu Radio Muqdisho Siiyey Abwaan Hadraawi

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo wareysigan siiyey Radio Muqdisho kadib markii uu dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa ugu horeyn waxaa uu wareysigiisa ku bilaabay Sallaan uu u diray shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan isagoo Allena uga baryey in uu dhibaatada ka saaro.

“Hadii aan ka hadlo dareenkeyga ku aadan imaanshihii aan dhowaan Muqdisho Imid runtii magaalada Muqdisho waa magaallo xusuus weyn ugu leh qiimo badanna aan uhayo waxaanna dadka reer Muqdisho uga mahad celinayaa sidii qadarinta iyo qiimaha badneyd ee ay iisoo dhoweeyeen”ayuu yiri Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi.

Abwaanka oo wax laga weydiiyey sida uu waqtigan u arko xaaladda Dalka ka jirta ayuu tilmaamay in dhibaatada ka jirta dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo gobollada ku dhow waa mid aan indhaheyga ku arkay qof walba oo uu ku jiro damiir Soomaalinimana uu ka damqanayo waxaase uu ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed inay sii wadaan gurmadka ay isku sameynayaan.

Mar sidoo kale Abwaan Hadraawi wax laga weydiiyey marxaladda uu imanka marayo Fanka Dalka gaar ahaan Fanaaniinta waqtigan ku sugan Caasimadda ayuu tilmaamay in magaalada Muqdisho uu kula kulmay Fanaaniin badan oo Fanka Soomaaliyeed magac ku leh kuwaasi oo xitaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde taasina ay dareenkiisa si gaar ah u saameysay.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo gebo gebadii Wareysiga ka jawaabayey su’aal ku aadaneyd sida uu arko go’aanka ay walaalaha Waqooyi Galbeed ku doonayaan inay gooni ka noqdaan Soomaaliya inteeda kale ayuu tilmaamay in waxa uu dunida ugu jecelyahay ay tahay Soomaali oo mid ah balse loo baahan yahay waxyaabaha dhexdooda ka jira in xal laga gaaro.

RM.

.

 
Somalia:Dardaaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uu U Jeediyey Ardayda Deeqaha Waxbarasho Ka Helay Turkiga – DHAGEYSO
September 27, 2011 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dardaaran u jeediyey Boqolaal Arday Soomaaliyeed oo iyagu maanta uu Madaxweynuhu ku sagootiyey magaalada Muqdisho.

Ardayda uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed la dardaarmay waxa ay deeq Waxbarasho ka heleen Walaalaha Turkiga waxaana uu Madaxweynuhu u jeediyey dardaaran dhinacyo badan ah.

Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Dardaaranka-Madaxweynaha-Uu-U-Jeediyey-Ardayda-Waxbarashada-U-Aaday-Turkiga-.mp3

   Si Aad U Dhageysato Dardaaranka Madaxweynaha Uu U Jeediyey Ardayda Waxbarashada U Aaday Turkiga.

Suuradaha ka eeg:

Somalia: Madaxweyne Sheikh Shariif oo sagootiyay Arday Deeq wax Barasho kaheshay Turkiga – SAWIRRO

RM.

.

Somalia:Q/Midoobay oo ka deyrisay xaaladda bani’aadannimo ee Dalka


September 27, 2011
Xafiiska isku xirka gargaarka bani’aadanimada ee Q/Midoobay  ee Soomaaloya UN OCHA iyo Hey’adda WFP ayaa maanta shir jaraa’id ugu qabteen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dalka.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen madaxa  xiriirka bani aadin’nimada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo afhayeenka hay’adda WFP Inter Mescot  ayaa waxaa looga hadlay heerka abaarta dalka Soomaaliya ay gaarsiintan tahay.

Madaxa xiriirka caalamiga ah ee arrimaha bani’aadannimada  Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan dad fara badan oo barakacayaal ah oo ku baraakacay  gudaha dalka iyo kuwo kale oo u qaxay wadamada deriska ah sida Kenya iyo Ethopia

Sido kale afhayeenka hay’adda WFP ayaa ugu baaqay hay’addaha  bixiya gar gaarka in ay xoojiyaan gurmadka ay u fidinayaan dadka ay saameeysay abaarta ka jirta dalka, wax ayna sheegtay in dadkii xoola dhaqatada ahaa ay xoolahoodii ku wayeen abaaraha.

Sidoo kale afhayeenka hay’adda WFP mar  wax laga weydiiyay sida ay u gaarsiyaan gargaarka goobaha ay joogaan maleeshiyad shabaab ayeey sheegtay in ay jiraan kooxo ay sameeyeen kuwaas oo hoostaga hay’ado kale si ay u gaar siyan cawinaad dadka u baahan in la gargaaro.

hadalkan  si wada jirka ah ay u soo jeediyeen madaxa  xiriirka arrima bulshada Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo afhayeenka hay’adda WFP ayaa imaanaya xili Muqdisho ay ku soo badanyaan dadka ay sameeyeen abaar  ka jirto qeybo ka mid ah dadlka taas oo  galaafatay nolosha dad iyo duunyo.

RM.

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: