Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Xukuumadda KMG oo cambareysay weerar is-qarxin ah oo ka dhacay Muqdisho – WARSAXAAFADEED

Somalia:Xukuumadda KMG oo cambareysay weerar is-qarxin ah oo ka dhacay Muqdisho – WARSAXAAFADEED

Tuesday, October 4, 2011

Laaska News Oct. 4,2011

 Warka TFG da ee Warbaahinta Dawladda lagu qoray ee ka hadlaya Qaraxa ayaa wuxuu uqornaa sidan:

Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii ay Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ku laayeen Arday Soomaaliyeed oo doonayey inay ka faa’ideystaan deeq waxbarasho oo dadka Soomaaliyeed ugu deeqeeyn walaalaha Turkiga kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyoIsgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya.

War Saxaafadeed

Xukuumadda KM Goo cambareysay weerar is-qarxin ah oo ka dhacay Muqdisho

(Muqdisho, 4 Oktoobar 2011) Xukuumadda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa qarax maanta lala beegsaday dhisme ay ku yaallaan dhowr wasaaradood, halkaasoo uu naftii-hallige ku dilay illaa 20 qof, ayna ku dhaawacmeen illaa 30 qof. Waxaa qaraxa loo adeegsaday baabuur weyn.

Dadka dhintay ama dhaawacmay waxaa ku jiray ardey iyo waalidiin sugayay natiijada deeqo-waxbarasho oo ay bixineysay Wasaaradda Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Mas’uul sare oo ka tirsan Xukuumadda oo halkaasi wax ku noqday ma jiro.

Weerarkan wuxuu muujinayaa in khatarta ka imaaneysa argagixisada aysan weli dhammaan oo ay jiraan dad weli doonaya inay carqaladeeyaan horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada.

Xukuumaddu waxay tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay dadkoodu geeriyoodeen, waxayna u rajeyneysaa kuwa dhaawacmay inay deg deg u soo kabtaan.

DHAMMAAD

RM.

Ninkii isku haligay xaruntii Hargaha iyo Saamaha oo la sheegay in uu u dhashay dalka kenya
 
Muqdisho 04 October 2011 (SONNA): Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka janaraal Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey in la hayo meydka ninkii naftiisu ku halaagay qaraxii ka dhacay xaruntii Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho.

Warkaan oo dhameystiran halkaan ka aqri: http://www.sonnanews.net/so/read.php?id=552

 
WAR DEG DEG AH:-Qarax Qasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho
 
Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay inta u dhaxaysa Isgoysyada KM4 iyo Zoobe ee magaalada Muqdisho ayadoo qaraxaasina si guud looga maqlay magaalada.

Qaraxa ayaa ah gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasi oo ah kuwa xamuulka qaada oo ay Soomaalidu u taqaano UD waxaana qaraxa lala eegtay xarunta Hargaha iyo Saamaha oo ay ku yaalaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda taasi oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Zoobe.

Qasaaraha rasmiga ah ee uu geystay Qaraxaasi ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan waxaana warar hor dhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in qaraxa uu geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana tirada dhimashada lasoo sheegayaa inay ka badan tahay Labaatan (20) ruux halka dhaawacuna uu intaasi kasii badan yahay.

Ciidamada Ammaanka ayaa durba soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo halkaasina ka bilaabay baaritaanno xooggan.

 RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com