Home > ALL DARWIISH NEWS, SOCIETY, Somaliland, Tacsi, WARARKA > Laascaanood:Gudoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sool oo Dabley Ku Toogteen habeen hore ayaa la’aasay shaley

Laascaanood:Gudoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sool oo Dabley Ku Toogteen habeen hore ayaa la’aasay shaley

Saturday, October 8, 2011

Laaska News Oct. 8,2011
Lasanod -Warka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa ku soo waramaya in Koox dabley hubaysan ah oo aan haybtooda la xaqiijin ay habeen hore toogosho  ugu geysteen Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sool  Ibraahim Axmed Muuse,uuna udhintay dhaawac rasaas ah oo soo gaaray.

 Warka ayaa wuxuu intaa kudarayaa AHUN,Gudoomiyuha in uu xilligaa ka soo baxay salaadii maqrib masjidka lagu magacaabo  Al Huda ee ku yaala Koonfurta Laascaanood,uuna  soo gaaray dhaawac culus,kadibna  loo qaaday Isbitaalka Burco,halkaasna  uu habeenimadii ku geeriyooday, laguna aasay shaley galinkii dambe.

Waxaa kale oo la sheegay in goobtaas uu nin kale oo la socday ama ka ag dhawaa Gudoomiyaha uu  dhaawac kasoo gaaray rasaastaa ay fureen dableydu.

Gudoomiyaha iyo ninka kale ee dhaawacmay ayaa labaduba waxay kasoo jeedaan magaalada Laascaanood,gaar ahaan Beesha Bahararsame.

Dableyda ayaa la sheegay in falka kadib ay goobta ka baxsadeen.

Waxaana la sheegay ciidamo Boolis ah ay goobtaa soo gaareen iyo rasaas dhacaysay waqtigaa.

Maamulkaa magaaladaa ayaan ilaa hadda aan sheegin cidda falkaa geysatay ama cid ay uqabteen.

Maaha markii ugu horeysay oo falal noocani ay ka dhacaan magaalada,walina kuma uusan guuleysan maamulka gacanta ku haya magaaladaa ee Soomaaliland in uu keeno xal ay dadku ugu noolaadaan nabadgalyo.

 Cumar Cali

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements