Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Madaxweyne Shariif Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socday Q/Midoobay

Somalia:Madaxweyne Shariif Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socday Q/Midoobay

Saturday, October 15, 2011

Laaska News Oct. 15,2011

 

Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo guddoomiyaha  Baarlamnka Soomaaliya ayaa maanta siyaabo gooni gooni ah xafiisyadooda ugu qaabilay wafdi ka socday Q/ Midoobay oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kadib markii uu maanta magaalada Muqdisho booqasho ku yimid wafdi ka socday Qaramada midoobay uu hogaaminayay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr Mahiga ayaa waxaa siyaabbo gooni gooni ah xafiisyadooda ugu qaabilay Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed,  Guddoomiyaha baarlmanka Shariif Xasan Sh. Aaden iyo R/wasaare C/weli Maxamed Cali.

Wafdigaasi ayaa ugu horeyntii waxaa xafiiska R/wsaaaraha ku qaabilay Dr. C/weli Maxamed Cali R/wasaaraha iyadoo qaabilaadaasi goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha wasiirada.

Markii ay dhamaatay qaabilaadada ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay R/wasaaraah iyo Ambassador Mahiga

R/wasaaraha oo ku horumaray shirka jaraa’id ayaa tilmaamay in ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan wadashaqeeynta hay’adaha dowladda iyo Qaramada midoobay hirgelinta Road map-ka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale Ambassador Mahiga ayaa isagu tilmaamay in labo kulan uu la kala yeeshay R/wasaaraha iyo xubno ka tirsdan golaha wasiirada islamarkana uu kala hadlay sidii loo hirgelin lahaa road mapka u dagsan dowladda waxa uuna farta ku fiiqay in R/wasaaraha uu ka ballan qaaday kulamadii golaha manka, kii golaha guud iyo kulankii ka dhacay Copenhegan in dowladda ay hirgelinayso roadmapka.

Intaasi kadib ayaa waxaa wafdiga uu hogaaminayo Mahiga loo galbiyay xafiiska Afheyeenka baralamanka halkaasna waxaa ku qaabilay mudane Shariif Xasan Sh Aaden, iyadoo ay qaabilaadiisana goob joog ka ahaayeen ku xigeenka golaha Baarlamnak C/weli Muudey iyo xubno ka tirsan kale.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sidoo kale xarunta madaxtooyada  ku qaabilay Wafdiga ka socday qaramada midoobaya iyadoo imaanshahooda Muqdisho ay ku soo aadeyso waqti ay muddo maalmo ah ka harsantahay qabsoomida qeybtii 2 aad ee shirkii wadatashiga soo kaas oo lagu balansaana in lagu qabto magaalada Garoowe.

RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com