Home > TFG Somalia > Somalia:Golaha Wasiirada Oo Kulmay & Xukuumadda oo Sheegtay in ay Dagaalka kula Wareegtay Dayniile – WARSAXAAFADEED

Somalia:Golaha Wasiirada Oo Kulmay & Xukuumadda oo Sheegtay in ay Dagaalka kula Wareegtay Dayniile – WARSAXAAFADEED

Friday, October 21, 2011

Laaska News Oct. 21,2011  Warka TFG da

Golaha Wasiirada Oo  Kulmay
October 20, 2011

Golaha wasiirada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho kaas oo looga hadlay arimo ay ka mid ahaayeen amaanka iyo xaaladihiii ugu dambeeyay ee dalka, iyagoo sidoo kale goluhu magacaabay guddi la dagaalama musuq maqmaasuqa.

Kulanka maanta oo uu shir guddoominayay R/wasaaraha dalka Dr. C/weli Maxamed Cali “Gaas”ayaa looga hadlay amaanka, gargaarka, musuqmaasuqa  iyo arimo kale waxaana warbixin laga dhageystay wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga qaranka oo ka warbixiyay amaanka xaafadihii dhawaan laga xorreeyay Maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta looga hadlayay arimaha gargaarka iyadoo warbixin ku saabsan arintaasi laga dhageeystay guddoomiyaha guddiga Maareeynta masiibooyinka oo ka hadlay halka ay marayayaan howlihii loo igmaday.

R/wasaare C/weli oo kulankaasi ka hadlay ayaa mujiyay baahida loo qabo in la Magacaabo guddi madaxbannaaan oo la dagaalama musuqmaasuqa, waxeyna golaha wasiiradu magacaabeen guddi ka soo talabixiyay dhismaha hey’ad madax banaan oo la dagaalanta musuqmaasuqa ka jira xafiisyada dowladda.

Magacaabgista guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ayaa loo arkaa in ay qeyb weyn ka qaadan karto horumarinta hanaanka maamul wanaagga dowladda.

RM.

Xukuumadda Oo Faah Faahisay Howlgalkii Maanta Shabaab Looga Saaray Dayniile.WARSAXAAFADEED

Xukummadda Federaalka Soomaaliya ayaa Faah Faahin ka bixisay howlgalka ay maanta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya degmada Dayniile kaga saareen Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda.

War Saxaafadeed 56/2011

Shabaab oo laga qabsaday degmadii ugu dambeysay ee Muqdisho

(Muqdisho, 20 Oktoobar 2011) Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Degmada Dayniile oo ah tii ugu dambeysay ee ka tirsan magaalada Muqdisho ee ay gacanta ku hayeen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab kaddib markii ay howlgal sameeyeen ciidamadu.

Degmada Dayniile waa degmo muhiim ah oo magaalada Muqdisho ku xirto gobollada Shabellooyinka.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdulkariim Yuusuf (Dhago-badan), ayaa yiri:

“Waan sii wadeynaa howlgallada si aan dalka uga xoreyno kooxda jid iyo jiho-diidka ah. Inta ay ciidankeenu wadaan howlgalkooda waxaan ka taxadari doonaa sidii loo yareyn lahaa khasaaraha soo gaaraya shacabka iyo hantidooda.”

Dhinaca kale, ciidamada Dowladda ayaa horumar wanaagsan ka sameeyay dhinaca gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ciidanku ka qabsadeen cadowga degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolkaas.

DHAMMAAD

RM.

Dalkan yaa leh Dawladeey!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

War in Southern Somalia:Kenyan troops seize key towns, kill 75 insurgents + Related News

War in Southern Somalia:Kenyan MPs in camera session to discuss Al shabaab + Related News
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com