Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Diyaarado la sheegay inay Duqeeyeen Kismaayo

Somalia:Diyaarado la sheegay inay Duqeeyeen Kismaayo

Sunday, October 23, 2011

Laaska News Oct. 23,2011

 Wararka laga helayo Kismaayo iyo Koonfurta Soomaaliya  ee ay helayaan  warbaahin kala duwan ayaa kusoo waramaya  in galabta  diyaarado duqayn ugeysteen  Magaala Madaxda Gobolka J/Hoose ee Kismaayo,magaaladaas oo ay gacanta ku hayaan xarakada Al shabaab.

BBCda ayaa sheegtay in diyaarado garaaceen meelo udhaw magaalada  Kismaayo oo la sheegay in xarakada Alshabaab saldhigyo ku leeyihiin.

sida ay sheegtay idaacadda BBC du waraysi ay Laanta af soomaaliga  la yeelatay  Madaxa Jubooyinka Sh.Abuukar,ayaa shiikhu ku sheegay in diyaaraduhu ahaayeen miig ah oo ay leeyihiin Kiinya,horeyna ay deegaano ugaraaceen waxna kulaayeen.

Waxaa kale uu sheegay inaysan cidina wax ku noqon weerarka maanta,waxa kale uubeeniyay in loo jiro Afmadaw 8 km,isagoo ka jawaabaya su’aal uu wariyuhu weydiiyay oo ku saabsanaa hadal ah in saraakiisha Ciidamadu sheegeen in magaalada Afmadaw loojiro 8 KM.

Gobolada Jubooyinka ayaa maalmahan waxaa kasocday dagaalo ay ciidamada Kiinya iyo ciidamo Soomaali ah ay kusooqaadeen deegaanada ay gacanta ku hayaan al shabaab,iyadoo dagaalada la isugu bahaystay  in deegaanadaa looga saaro.

Warbaahinta ama idaacadaha qaarkood oo soo xiganaya  dad kusugan deegaanada ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa diyaaradaha iyo laba qarax oo waaweyn.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay garaaceen meel aan Dekedda Kismaayo waxba ka fogeyn,oo ujirta ilaa hal KM.

Lama sheegin ilaa hadda qasaare nafeed oo ay geysteen diyaaradahaas.

Faarx dheere.

 

Warka kusaabdan dagaalka jubooyinka iyo soogalitaanka Ciidamada Kenya ayaa Waxaa si aad ah wax uga qora warbaahintu dalka Kenya ka akhri xagga hoose.

 

War in Southern Somalia:US planes join Kenyan battle

War in Southern Somalia:Kenyan troops seize key towns, kill 75 insurgents + Related News

War in Southern Somalia:Kenya targets al Shabaab’s lifeline

 
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: