Home > Faallo, TFG Somalia, WARARKA, WORLD > Muqdisho:Madaxweynaha Soomaaliya oo kahadlay Mawqifka Dawladda ee Soo galitaanka Ciidamada Kenya +

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaaliya oo kahadlay Mawqifka Dawladda ee Soo galitaanka Ciidamada Kenya +

Monday, October 24, 2011

Laaska News Oct. 24,2011

Muqdisho,Somalia – Madaxweynaha Dawladda KMG Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay in dawladda iyo shacabka soomaaliyeed aanay raali ka ahayn soo galitaanka ciidamada kenya ay kusoo galeen dalka soomaaliya.

Madaxweyne oo ka hadlay degmada Deyniile oo dhawaan dagaalo faraha lagaga gubtay ka dhaceen

Waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku joogaan rabitaanka Dawladda Soomaaliya iyo sharciyad ay ka heleen AU & Qaramada midoobay
Madaxweyne shariif ayaa sheegay  waxyaalo uu dhibsaday inuu kala hadley dawladda Kenya,waxaana hadaladiisa kamid ahaa:

Waan kala hadalney dawladda Kenya waxaana kamid ah waxyaalahaas ciidamo inay iska soogalaan soomaaliya dawladduna ma ogola,shacabka Soomaaliyeedna ma ogola,sidaad la socotiina ciidamada AMISOM waxay ku joogaan ogolaansho dawladda Soomaaliyeed iyo shacabka iyo mandate ay siisay UN ka & AU,maekaa iskaashi ayaa naga dhaxeeya dawladda Kenya,laakiin waxaan kala hadalnay,habka aan annagu urabno inay noo kaalmeeyaan inuu yahay hab cad oo ah ciidamada xoogga iyo ciidamada qalabka sida shaqada inay qabsadaan,kenyana aan uga baahan nahay inay gacan siiyaan ciidamada,ee aysan dhicin wax intaa ka duwan.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday iyadoo ay ciidamada kenya ay soo gaareen deegaano ka tirsan Afmadaw,shalayna la sheegay inay diyaaradahoodu ay duqeeyeen magaalada Kismayo ee dekedda ah.

Kenya ayaa sheegtay inay ciidamadooda iyo kuwo dawladda KMG ah ay dagaal kula jiraan xarakada Al shabaab.

Soo gelitaanka ciidamada Kenya ayaa shacabka Soomaaliyeed siyaalo kala duwan uga hadleen,waxaana lagu sifeeyay inaysan sifo sharci ah aysan kusoogalin,waxaase cad inay Kenya taageero iyo isku halayn ka haysato Soomaali,taageero caalami ahna uraadinayso  soo galitaankeeda Soomaaliya,kuna faruur xiran tahay Kismaayo.

Kenya ayaa horey wafdi ugu soo dirtay Muqdisho iyo Addisababa,lana kulantay IGAD & AU,waxay kaloo sheegtay in caalamku ku taagersan yahay.

Xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka ayaa teegeeray soo galitaanka oo warbaahinta qaarkeed waraysi la yeelatay.

Waxaase kasoo horjeestay xildhibaan ka hadlay muqdisho oo sheegay inaysan ciidamadaasi sharci ahayn.

Qaar kale ayaa leh inay ciidamadani taageerayaan maamul gaar ah oo la doonayo in laga dhiso Jubooyinka.

Dawladda Soomaaliya ruuxeeda afhayeen uhadlay ayaa horay u beeniyay soo galiinka Ciidamada Kenya ciidda Soomaaliyeed.

Waxaase jirtay in wafdi Kenya ahi yimid Muqdisho intii ciidanadoodu soo galeen kadib,haddana waraysi uu wafdigaasi bixiyay ayay  ku sheegeen inaysan waddanka soo galin,isla maalintaa ayaa haddana la sheegay in wafdiga Kenya iyo madaxda dawladda Soomaaliya uu dhexmaray wadahadal ayna ku heshiiyeen arrimo badan.

Dhinaca Dawladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore sheegtay in ciidamada dawladdu ay guulo kasoo hooyeen dagaalada kasocda Jubooyinka.

Haddaba makala duwan yihiin ciidamada ay kenya sheegtey inay weheliyaan iyaga (waa ciidamo Soomaaliya oo weheliya kuwa Kenya) iyo kuwa TFG du sheegeen inay guulo kasoo hooyeen Jubooyinka?

Maamulada kale ee Soomaalida ayaa ka aamusay soo galitaanka ay ciidamada Kenya ay dalka kusoo galeen.

Kenya ayaa taageerayaal kuleh  baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiintaba  oo waliba xubno muhiim ah, ilaa haddana aan mawqif cad kabixin soo galitaanka.

Kenya ayaa horay usheegtay inaysan soogalin,hungurina ka hayn dhulka Soomaaliya,mar kalana waxay sheegtay inay taageerayaan  ciidamada TFG da.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf dhulka iyo xuduudaha ah.

Kenya ayaa hadda wadata mashruuca ladagaalanka Islaamiyiinta gacanta ku haya inta badan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka.

Dad badan ayaa waxay cabsi kamuujiyeen dadka rayadka ah ee ku dhimanaya deegaanada ay dagaaladu ka socdaan  iyo inay dhacdo qabsasho wixii wabiga Jubba karogan,hadhawna muran la galiyo dhulkaa.

.

Waxaase su’aali kataagan tahay waxa heshiis lagu yahay iyo waxa laysku diidan yahay,waa soomaali dhexdeede? ileen Kiinya iskama soo galine,yaase mas’uul ka ah soo galitaanka?

Yaase Wadani ah,yaa argagaxiso ah,yaa daba – dhilif ah,yaa Soomaali ah,yaa shisheeye ah,Yaa nabad wada,yaa colaad wada?

Kenya iyo wadamada kale ee leh waxaan taageeraynaa dawladda Soomaaliya maxay ugu dhisi waayeen Soomaaliya ciidamada? Taageeridu ma in uun dagaal socdaa oo intii soo kacdaaba ay meesha kabaxda?

Dalkase yaa dagi doona?

.

Darwiish.

.

 

Madaxweynaha Soomaaliya: “Inay ciidamo soo galaan dowladda iyo shacabku ma oggola”

 

DHAGEYSO

 

.

 

Jawaabaha laga bixiyay hadalkii Madaxweynaha  hoos ka akhri:

Somalia:Madax dhaqameedyo kasoo jeeda Jubooyinka oo Jawaabo ka bixiyay hadalkii Madaxweynaha ee Ciidamada Dalka soo galay

 

Related:

Somalia: Who Owns What? 1963

War in Southern Somalia:Kenyan MPs in camera session to discuss Al shabaab + Related News

War in Sothern Somalia:Jets pound Kismayu as forces gear up for clash + Related News

Somalia:Saraakiisha Dowladda Ee Jubooyinka Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Duqeymihii Galabta Kismaayo Ka Dhacay

Somalia:Diyaarado la sheegay inay Duqeeyeen Kismaayo

War in Southern Somalia:US planes join Kenyan battle

War in Southern Somalia:Kenya targets al Shabaab’s lifeline

 

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: