Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Madax dhaqameedyo kasoo jeeda Jubooyinka oo Jawaabo ka bixiyay hadalkii Madaxweynaha ee Ciidamada Dalka soo galay

Somalia:Madax dhaqameedyo kasoo jeeda Jubooyinka oo Jawaabo ka bixiyay hadalkii Madaxweynaha ee Ciidamada Dalka soo galay

Tuesday, October 25, 2011

Laaska News Oct. 25,2011
Madax dhaqameedyo iyo cuqaal ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka ayaa jawaabo iyo aragtiyo kabixiyay hadal uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif uu kaga hadlay soo galitaanka ciidamada kenya inaysan shacabka iyo dawladda soomaaliyaba inaysan ogollayn inay iska soo galaan waddanka.(Madaxweynaha Soomaaliya: “Inay ciidamo soo galaan dowladda iyo shacabku ma oggola” hoos ka akhri ama ka dhageyso) .

 

Waxaa saaka shir jaraaid ku qabtay magaalada Gaarisa cuqaasha iyo madaxdhaqameedyada ka soo qaxay jubooyinka oo jawaab kabixiyay hadalada Sh. Shariif Wakiilka Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ah Sh.Maxamuud Macalin feen,waxuuna uga waramay oo  wareysi la yeeshay
C/nuur oo ka tirsan laanta afsoomaaliga ee BBC da.

Waxa uuna  hadalkiisi kubilaabay Sh. Maxamuud:

Hadalka Madaxweynaha wuxuu ahaa galitaanka Ciidamada Kenya ay galeen Gobolada Jubooyinka iyo Gedo inuusan raali ka ahyn dawladda Soomaaliyeedna aysan ogayn,Shacabka Soomaaliyeedna uusan ogayn

Hadalka madaxweynaha lama qabno shacab Soomaaliyeedna waanahay,Goboladaasina ammagaa degna.

Madaxweynaha shacab Soomaaliyeed ma wuxuu uyaqaanaa,ma kuwaan jooga kaliyaa mise waa deegaanka Soomaaliyeed oo dhan,Soomaaliya waxay leedahay xuduudo ………inteeda badanna waxaa haysta nimanka shabaabka ah ………

Annaga deegaankannaga Gobolada jubooyinka iyo waxasoo raaca oo koonfurta ah oday dhaqameedkeedii iyo dadkeedii inteedii badnayd waa soo qaxay,qaxootiyada ayay yimaadeen iyagoo abaar iyo colaad ay labadaba aad usaamaysay.
Waxaannu niri madaxweynaha hadalkiisii nama qabto,raalina kuma nihin,shacabka soomaaliyeedna waan nahay,mana aanan diidin dawladda Kenya inay soo fara galiso cadawga nahaysta ay naga dul qaado,ma aanan siidin,waliba ugu hambalyayneynaa,gacan na waan weydiisanay dawladda kenya Dawladda soomaaliyeedna waxaan horay u ogayn inay raali ka tahay,marka hadalka madaxweynaha kasoo baxay nama qabto,madaxwynuhu wuxuu u egyahay nin aan aad nooga war qabin, ,,,,,,,,,,,,,,,

 
Mawaxaad raali uga tihiin Kenya wax kasoo horjeeda mabda’a dawladda Soomaaliyeed iyo madaxweynuhu ay kahadlayaan oo ah dalka inaan layska soo galin oo haddii layska soogalayase dawladuhu ay raali iasaga yihiin,Dawladda Soomaaliya iyo Sawladda Kenya Matalan?

C/nuuraw horta Dawladda Soomaaliyeed iyo Dawladda Kenya saad kawar qabtaanba arrinta waa kawada hadleen,haddana maaha ilaa muddo laba sano iyo bar ayaa waxaa latababarayay  ciidamo Soomaaliyeed halkan Kiinya lagu tababarayay,ciidamadii ayaa hogaaminaya dawladda Kenya ciidankeedii, ,ciidamadaase ayaa hogaaminaya…………

Janan dawladda Soomaaliyeed ka tirsan oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ahna wuxuu   fadhiya jiidda hore meel qooqaani la yiraahdo ayuu fadhiyaa dagaalkana ciidamada Soomaaliyeed baa wada.
Marka arrintan uu shariifku ka hadlay waxay nagu noqotay fajac iyo dhabar jabin bay nagu noqotay,maadaama dadka deegaanada deggan ay colaadanaa saamaysay aannu ahayn,arrintuna saaka ma bilaaban ee shaeiifka hadalkiisu wuxuu noo qancin waayay wax saaka bilawday maahee,wax sanooyin soo socday oo intaa ciidan latababarayay.

Haddii mawqifkii madaxweynaha sidaas yahay iyo dawladdii Soomaaliya,dawladdii Kenyana ay dalkii ku jirto,idinkuna aad tihiin dadkii deegaanka maxaa marka xal aad u aragtaan?

Dhulkan dhul dawlad Soomaalieed haysato ,rag ajaanib ah iyo rag dhalinyaro ah oo ay duufsadeen ayaa koonfurta Soomaaliya haysta ,wax dawladda soomaalieed haysatana maaha ………..wax shariif gacantiisa ku jirana maaha………..
Ciidankanna waa ciidankii dawladda Kenya ay tababartay Janan na waa hogaaminayaa marka annaga waxaan waafaqsan nahay in ciidankaas iyo cid alaale  oo  garabsiinaysa  inay dhulkeenna noo qabtaan, annagoo kamid ah dawladdii Soomaaliyeed,annagoo jecel dadka Soomaaliyeed iyo Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo madax banaan,kala googa eeda iyo qaybsankeedana aanan raalli ka ahayn,Soomaali weyn baannu rabnaa,laakiin waxaannu umidaysan nahay oo aad ujecel nahay in dhulkayagii in naloo qabto,dadkan qaxootiga ah ee soo qaxay ee meeluu istaagana la’ dhulkoodii lagu celiyo.

Wareysigaas oo cod ah ayaa waxaa qaaday BBC da .

.

Madaxweynaha Soomaaliya: “Inay ciidamo soo galaan dowladda iyo shacabku ma oggola”

October 24, 2011

Muqdisho, 24 Oktoobar, 2011 – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay wararka sheegaya in ciidamo ka socda dalka Kenya ay soo galeen dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay degmada Dayniile ayaa yiri:

“Waxaa jira waxyaabo yaryar oo aan u aragno inaysan habbooneyn. Waana kala hadalnay dowladda Kenya, waxaana ka mid ah waxyaabahaas ciidamo inay iska soo galaan Soomaaliya. Dowladuna ma oggola, shacabka Soomaaliyeedna ma oggola.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Sidaad  la socotiina ciidamada hadda jooga ee AMISOM waxay ku joogaan oggolaansho Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka iyo mandate uu siisay UN-ka (Qaramada Midoobay) iyo African Union (Midowga Afrika).

“Marka iskaashi ayaa naga dhexeeya dowladda Kenya, laakiin waxaan kala hadalnay habka aan anaga u rabno inay noo kaalmeeyaan inuu yahay hab cad oo ah in …Ciidamada Qalabka Sida inay diyaar u yihiin inay shaqada qabsadaan, Kenyana aan uga baahanahay inay gacan siiyaan ciidamada ee aysan dhicin wax intaas ka duwan. Wadashaqeyn xooggana ay jirto oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo soo-celinta nabadda dalka.”

Waxaan gaarsiinay inaan aad uga xunnahay in dalkooda ay dhibaato u geystaan Al-Shabaab iyo Alqaacida….diyaarna aan u nahay in lays kaashado. Waxaan fileyno waxay yihiin iskaashigaas laga wada hadlay oo aan filayo inaad ogtihiin in Addis Ababana shir lagu qabtay IGAD, ujeeddaduna ay ahayd in la ilaaliyo in la ilaaliyo darisnimada iyo nabadda deegaanka, aanay dhicin wax keeni kara mugdi ama shaki keeni kara, ama gelin kara dowladaha ama gelin kara shucuubta.”

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo ay dalka soo galeen ciidamo ka tirsan dalka Kenya.

.

Dhageyso Shir Jaraa’id Oo Uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maanta Ku Qabtay Degmada Dayniile

 

October 24, 2011

RM.

.

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaaliya oo kahadlay Mawqifka Dawladda ee Soo galitaanka Ciidamada Kenya

 

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: