Home > News, WARARKA > Somalia: ” Arrinta Kenya dawladda moowqif mideysan ayeey ka taagan tahay” – R/wasaare Cabdi Wali

Somalia: ” Arrinta Kenya dawladda moowqif mideysan ayeey ka taagan tahay” – R/wasaare Cabdi Wali

Thursday, October 27, 2011

Laaska News Oct. 27,2011   Warka TFG sa
Xukuumadda FDKMG Soomaaliya ayaa sheegtay in si khaldan ay warbaahintu ay u dhigeen war-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareyn madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo R/wasaaraha Xukuumadda iyadoo ay ka dhawaajisay in dowladda Kenya ay iskaashi ballaaran la leedahay dowladda Soomaaliya.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Welli Maxamed Cali oo waraysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay adkeynta xiriirka kala dhaxeeya dowladda Kenya waxa uuna sheegay in si wada jir ah ulla dagaallamayaan kooxda Argagixisadda ah ee Al-Shabaab.

Mudane Cabdi Welli ayaa sheegay in dowladda FDKMG ay moowqif mideysan ay ka taagan tahay arrinta ku aadan ciidamada Kenya, waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyo Kenya in ay heshiis wada gaareen 18kii bishan kaasi oo ka hadlayay in labada dowladdood ay  iskaa kaashadaan  l bur burinta kooxda Al-Shabaab.

R/wasaaraha Xukuumadda ayaa hoosta ka xariiqay in warbaahintu ay ka badiyeen arrintaasi, isagoo tibaaxay in Kenya ay ka taageereyso dhinaca Loojistikada iyo taakuleynta howllaha Military Soomaaliya si loo ballaariyo howl galka ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cadeyneyso in aysan jirin wax mad madoow ah oo ka dhaxeeyo dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

RM.

.

Related Articles:

SOMALIA:Nuqulka Bayaanka CADDEYNTA MOWQIFKA DAWLADDA SOOMAALIYA kasoo Saartay Arinta Kenya – Akhriso
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Tags: ,