Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/wasaare Cabdi Wali – “taageerada ciidamada Kenya waan soo dhaweeneynaa”- DHAGEYSO

Somalia:R/wasaare Cabdi Wali – “taageerada ciidamada Kenya waan soo dhaweeneynaa”- DHAGEYSO

Saturday, October 29, 2011

Laaska News Oct. 29,2011

Muqdisho – Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Caligaas oo shir jaraa’id kuqabtay Muqdisho 27 dii Oktoobar 2011 sida lagu baahiyay warbaahinta dawladda,wuxuuna u qornaa sidan,waxaadna ka dhageysan kartaa xagga hoose.

R/wasaaraha Xukuumadda FDKMG Soomaailya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay arrinta ku aadan Kenya iyo Soomaaliya isagoo sheegay in aysan dowladda ka soo horjeedin dadaalka ay Kenya ay kulla dagaallameyso Al-Shabaab oo ay soo dhaweynayaan dowladda Soomaaliya.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Welli Maxamed Cali oo maanta xafiiskiisa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa mar kale ka hadlay arrinta ku aadan soo galitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya waxa uuna tilmaamay in saxafadda ay cabir khaldan ka bixyeen war-saxaafaddeedkii shalay laga soo saaray madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu hoosta ka xriiqay Ra’iisul wasaaruhu in dowladda Soomaaliya ay moowqif cad ka taagan tahay arrinta dadaallada ay dowladda Kenya ay kulla dagaallameyso Kooxda Al-Shabaab.

Dr.Cabdi Welli ayaa sheegay in been abuur ay tahay hadallada sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeedo dadaalka Kenya, waxa uu intaa ku daray in ay labada dalka ka mideysan yihiin la dagaallanka Shabaab.

“dowladda Soomaaliyeed waxay u araktaa dadaal kasta oo ku aadan Shabaab  taageyso loo fidiyay dowladda Soomaaliya, dowladda waxay ammaan ujeedineysaa IGAD, AMISOM iyo ciidamada dowaladda ee howl gallada ka wada gobollada Jubbooyinka.

R/wasaaraha ayaa sheegay in dagaallada gobollada Koonfureed ka socda  ay hoggaaminayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, “hadii ay Kenya nagu taageeysana waan soo dhaweeneynaa”ayuu yiri R/wasaaraha.

  Halkan ka dhageyso:         Shirka jaraa’id ee R.Wasaaraha

 RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements