Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Wasaaradda Garsoorka oo iclaamisay in barrito ay tahay maalin ciideed

Somalia:Wasaaradda Garsoorka oo iclaamisay in barrito ay tahay maalin ciideed

Saturday, November 5, 2011

Laaska News  Nov. 5 ,2011                      Warka   Dalka
Muqdisho – Wasaaradda Garsoorka iyo Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in maallinta barrito ah tahay maallinta koowaad ee Ciidul Adxa, iyadoo maanta Muslimiinta gudaneys Xajka ay tagayaan Banka Carafo oo ah halka uu ku jiro waajibaadka Xajka.

 
Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Xasan Gaboobe oo ka mid ah Muslimiinta gudaneysa Xajka ayaa sheegay in ummada Soomaaliyeed uu ugu bishaareynayo in maanta ay tahay maallinta sagaalaad ee Banka Carafo isagoo sheegay in maanta loo socdo halka la yiraahdo Banka Carafo oo halka ay ku jirto acmaasha ugu weyn ee gudashada Xajka.

Photo:RM

Waxaa uu sheegay in maallinta barrito ah ay tahay maallin Ciid ah oo ummada Muslimiinta ay ka qeyb qaadanayaan munaasabadda Ciidul Adxa.

Sidoo kale Wasiirka Garsoorka ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maallinta uu Alle danbi dhaafka ugu badan uu sameeyso Shaydaanka uu ugu dulmi badan yahay, waxa uu uuna dadka Muslimiinta ah ugu duceeyay in Alle uu ka aqbalo guddashada waajibaadka Xajka islamarkaana ummada Muslimiinta ah uu Alle dhibaatada ka dul qaado gaar ahaan dadka Soomaaliyeed.

Waxa uuna tilmaamay wasiirka Garsoorka in dadka Muslmiinta ay ka faa’ideystaan maanta oo kale iyo maalmaha la mid ah ka ah.

RM.

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com