Home > Hambalyo, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Madaxweynahii hore Oo Shacabka Soomaaliyeed Munaasabada Ciida ugu hambalyeeyey

Somalia:Madaxweynahii hore Oo Shacabka Soomaaliyeed Munaasabada Ciida ugu hambalyeeyey

Sunday, November 6, 2011

Laaska News  Nov. 6 ,2011                  Warka TFG da
SONNA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cabdullahi Yuusuf

Mogadishu Axad 6 November 2011 (SONNA) – Madaxweynahii hore ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa shacabka soomaaliyeed ee ku kala nool caalamkoo idil uga hambal yeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, waxa uuna u rajeyay in ay farxad iyo reyreyn ugu dabaal dagaan munaasabadda Ciidul Adxa.

Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu Sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay istaakuleeyaan islamarkaana ay gacmaha is qabsadaan, si looga baxo colaadaha iyo abaaraha isbiirsaday ee ka jira dhamaan gobollada dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, mudane Cabdullahi Yuusuf ayaa waxa uu ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si weyn u adkeeyaan ammaanka goobihii dhawaan laga saaray maleyshiyada kooxda Al-Shabaab, si aysan u dhicin falal amni daro oo ay geystaan kooxdaasi nabad diidka ah.

Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay si weyn ugu dabaal dagayaal munaasabadda ciidul Adxa ayaa hadana waxaa isa soo taraayo hambalyada uga kala imaaneyso mas’uuliyinta ugu sar sareysa xukuumada Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee xilalka qaaliga ah ka soo kala qabtay dowladda Soomaaliya ee ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadiisaba.

.

Source: SONNA

.

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com