Home > TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Madaxweyne Shariif Oo Barakacayaasha Kula Ciiday Xerooyinkooda

Somalia:Madaxweyne Shariif Oo Barakacayaasha Kula Ciiday Xerooyinkooda

Sunday, November 6, 2011

Laaska News  Nov. 6 ,2011

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Sahriif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday xerooyinka barakacayaasha Badbaado iyo Rajo.

Iyadoo maanta ay aheyd maalinta koobaad ee munaasabadda ciidul Adxa ayaa Madaxweyne Sheekh Shariif oo uu weliyo ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka Ganacsiga waxa ay booqdeen xerooyinka barakacayaasha Badbaado iyo Rajo si ay farxadda ciidda ula soo qeybsadaan barakacayaasha ku jira xerooyinkaasi.

Muddadii uu madaxweynuhu ku sugnaa xerooyinkaasi ayaa barakacayaasha loo qalay xoolo farabadan oo isugu jirat Lo’iyo Ari iyadoo sidoo kalena barakacayaasha loo qeybiyay raashin ceyriin si ay farxadda ula qeybsadaan Muslimiinta maanta u dabaaldegaya ciidul Adxa.

Madaxweyne Shariif oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay isbedelka ku yimid nolosha barakacayaasha oo uu sheegay in ay soo hagaagtay marka loo eego ka hor inta aan la aas’aasin xeradan.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif ayaa xarunta madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Danjirayaasha ku sugan magaalada Muqdisho munaasabadda ciidul Adxa awgeed.

Si kastaba ha ahaatee booqashada Madaxweynaha ee barakacayaasha ayaa muujineysa sida Madaxweyne Shariif uu mudnaanta u siinayo nolosha dadka barakacayaasha Soomaaliyeed ee tabaaleeysan.
RM.
 

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com