Home > ALL DARWIISH NEWS, WARARKA > Ceerigaabo:Dagaal Sababay Dhimasho Saddex qof Ah, 11 Dhaawac

Ceerigaabo:Dagaal Sababay Dhimasho Saddex qof Ah, 11 Dhaawac

Monday, November 7, 2011

Laaska News  Nov. 7 ,2011
“Weerarka oo la sheegay inuu ku wajahnaa Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Abtiile “Xiirane”(Dhulbahante Ceerigaabo”

Ceerigaabo – Wararka laga helayo Magaalada Ceerigaabo ayaa ku waramaya in xiisad ay todobaadkan ka bilaabantay magaalada Ceerigaabo  kadib markii dhawaan la dilay taliyihii Saldhigga Fiqi fuliye (ka fiiri: halkan),kadibna uu kadhashay isku dhac laba beelood oo halkaa wada daga, kana soo kala jeeda Dhulbahante iyo Isaaq kadibna uu maamulka Somaliland uu usoo diray wafdi ay ku jiraan Mas’uuliyiin kasoo kala jeeda labada Beelood.

Shalay galinkii dambana  magaalada Ceerigaabo uu ka dhacay dagaal  kadib sida la sheegay weerar lagu soo qaaday guri qado iyo shir ay ku lahaayeen Beesha Dhulbahante.

.

Weerarka oo la sheegay inuu ku wajahnaa Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Abtiile “Xiirane”(Dhulbahante Ceerigaabo), labadan mas’uul ayaa kamid ahaa  masuuliyiin Hargeysa uga yimid inay  kala qaboojiyaan xiisad ka dhex aloosan beelo wada daga magaalada Ceerigaabo,waxaana lagusoo waramayaa in ay weerarka soo qaadeen rag kasoo jeeda dhinaca Beesha Dhulbahante.

.

Haddaba halkan kala soco wixii laga sheegay ama laga qoray:

Warka Idaacadda BBC da & C/nuur

Saddex oo qof oo ku dhintay 11 kalana ay ku dhaawacmeen dagaal markii sida la sheegay niman hubaysani ay weerareen guri lagu shirayay magaalada Ceerigaabo ee xaruunta Gobolka Sanaag.

Ceerigaabo todobaatkan waxaa ka dhacay dagaal laba qolo dhex maray,waxaa kala dhex galay markii dambe ciidamada Amaanka oo habeenkii magaalada Bandaw kusoo rogay waxaana iminka socda waan waan.

Haddaba wariyaha BBC da  ee C/nuur ayaa Wariye  Xagar ka waraystay warka uu ka hayo dhacdada Ceerigaabo isagoo kusugan Burco,waxayna udhacday sidan isagoo kawarbixinaya  kana jaawabaya su’aalo:

Cabdinuur aad ayaad umahadsan tahay, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Abtiile (Xiirane) ayaa ka badbaaday weerar maanta duhurnimadii lagusoo qaaday iyagoo ku guda jira fadhi hoosaad ay la lahaayeen labadii Beelood ee iskudhaco  dhawaan ku dhexmaray Ceerigaabo qayb kamid ah.

Wasiirka Arrimaha Guduhuna Waxa uu BBC da u cadeeyay inuu falkaasi ahaa mid ku wajahan labadaa mas’uul oo aan laakiin aan lakala caddayn karin in ladilayay iyo in la afduubayay.
Waxa uu intaa wasiirku raaciyay inay munaasabad fadhiyeen qado loogu sameeyay oo ay jifida  amaba raaska  wada xaajood la lahaayeen,qolada kalana cid kale loo diray,kadibna ay soo weerareen inamo isla raaskaa ka tirsan oo masuuliyiintaa doonaya.
Sida Wasiirku ii cadeeyay,wariyayaal iyo dad kale oo badan oo aan la xidhiidhay dhimasho iyo dhaawac fara badan ayaa dhacay, nimanka mas’uuliyiinta ahna ciidanka qaranka ayaa badbaadiyay buu yidhi wasiirku,waxaana halkaa ku dhintay laba askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliland iyo qof dumar ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in dhaawac kale jiro ma uusan cayimin.

Kadibna waxaan la xidhiidhay Agaasimaha Isbitaalka magaalada Ceerigaabo Dr. Caday oo ii sheegay in isbitaalka lasoo gaarsiiyay 11 dhaawac ah oo uu sheegay laba kamid ah inay yihiin haween,laba kamid ahna uu dhaawacoodu uu aad uculus yahay oo qaliin lagu sameeyay galabtaba.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa kale oo uu sheegay in Ciidamadu ay soo qabteen shan nin oo kamid ah nimankii  weerarkan geystay ee guriga la fadhiyo soo weeraray oo laba kamid ah ay dhaawc yihiin,dhakhtarkuna wuxuu ka gaabsaday dhaawacaasi ay ku jiraan labadaa nin,hase yeeshee wariyayaal iyo dadkale oo xog ogaal ah oo isbitaalka aan ku dhex waraystay waxay ii sheegeen 11 ka qof inay ku jiraan laba nin oo ka tirsan nimankii wax soo weeraray,laba dumar ah iyo 7 ciidanka qaraanka ka tirsan.
Guud ahaan arrintaasi markii ay dhacday xaaladda magaalada  markii uu gabalku dhacay sidee bay ahayd ?
Magaaladu rasaastu waxay ka bilaabantay 2 dii iyo Badhkii duhurnimo waxay gaadhay ilaa shantii iyo dheeraad,wixii xilligaa ka dambeeyay amaba markii dagaalku saani ubilaabmayba ilaa gabalka uu ka dhacay Ceerigaabo cidi iskuma gudbayso,waxaa xidhmay wax allaale wixii dhaqdhaqaaq ahaa, ganacsi macaamilo,isu-gudub,gaadiid marka laga reebo ciidamada amniga oo aad loo xoojiyay oo meel walba jooga.

BBC.

 

La soco wixii war ah oo kasoo kordha xiisadda Ceerigaabo.

.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com