Home > Baarlamaanka Soomaaliya, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Xildhibaanno Ku Baaqay In Baarlamanka La Horkeeno Qoraalka Road Mapka

Somalia:Xildhibaanno Ku Baaqay In Baarlamanka La Horkeeno Qoraalka Road Mapka

Sunday, November 13, 2011

Laaska News  Nov. 13,2011                  Warka TFG

Muqdisho – (RM) – Mudanayaal ka tirsan baarlamanka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeestay qoraalkii “Road mapka” ee ka soo baxay dhawaan kulankii wada tashiga ahaa ee lagu qabtay Muqdisho iyagoo ugu baaqay guddoonka baarlamanka in uu si dhaqso ah qoraalkaasi u horkeeno baarlamnka.

Xildhibaannadan ka tirsan baarlamanka ee maanta kulanka ku yeeshay  hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa tiradoodu gaareysay ku dhawaad 45 xubnood iyagoo shirkooda diiradda ku saaray arrimo badan oo ay ugu muhiimsantahay qoraalkii road maplka ee ka soo baxay shirkii wada tashiga ahaa ee bishii September lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibannada ayaa u muuqday in ay isku aragti ka yihiin road maopka iyagoo ku tilmaamay in uu ka soo horjeedo axdiga KMG-ka ah iyo nidaamka awood qeybsiga ah oo ay ku dhisantahay dowladda.

Xildhibaan Madoobe Nuunoaw Maxamed guddoomiyaha guddiga dastuurka iyo arrimaha Federaalka baarlamanka oo ka hadlay ujeedada shirka ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in xubnaha barlamanka la horkeeno Road mapka si ay go’aan uga garaaan.

Sidoo kae qaar ka mid ah mudanayashii ka hadlay goobta uu shirku ka dhacay ayaa iyaguna si kulul ugu dhalliilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augostine Mahiga kala qeybin ay sheegeen in uu ka dhex wado shacbiga Soomaaliyeed waxa ayna hoosta ka xariiqeen xildhibaannadu in ay dacwad ka dhan ah Mahiiga u gudbin doonaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Baanki Muun.

Nov 12.

RM.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com