Home > Muqdisho, WARARKA > Somalia:Dagaal Laga Soo Sheegay Muqdisho Caawa, Diyaarado Dul Heehaabaya Hiiraan

Somalia:Dagaal Laga Soo Sheegay Muqdisho Caawa, Diyaarado Dul Heehaabaya Hiiraan

Thursday, November 17, 2011

Laaska News  Nov. 17,2011

Muqdisho,Somalia – Wararka laga helayo magaalada muqdisho ayaa ku soo waramaya in fiidnimadii caawa uu dagaal halkaasi kabilawday gaar ahaan jidka warshadaha.

“Dagaalka ayaa bilawday markii kooxo katirsan alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada KMG ah iyo kuwo AMISOM jidka dheer ee warshadaha qaybo kamid ah” sida ay ku warantay BBC da,uuna wariye ka tirsan BBC da oo halkaa kusugan uu warkaa usoo laliyay.

Waxa uu ku daray “waxaana laga maqlayaa qaybo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah madaafiicda ay is dhaafsanayaan labada dhinac”
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kadhacay halkaa dagaalo goos goos ah oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac kan caawase waxaa loo arkaa inuu ka culus yahay ayuu raaciyay.
Dhinaca kale  Idaacadda Muqdisho ee ku hadasha Codka Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga soo sheegayo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan diyaaradaha qumaatiga u kaca oo joog hoose kuduulaya ay galabta ilaa caawo dul heehaabayaan deegaanadaas.
 
Diyaaradahaas ayaa la sheegay in cabsi ay ku abuurtay dadka deegaanadaa ku sugan iyadoo horay loo sheegay in horay loo duqeeyay deegaanno ka tirsan Gobolada Sh/Hoose iyo J/Hoose.
Ma jiraan ilaa hadda cid si rasmi ah uga hadashay qasaaraha kadhashay dagaalada laga soo sheegayo caawa muqdisho iyo diyaaradaha lasheegay inay dul heehaabayaan Hiiraan, wax ay geysteen ama caddaynaya diyaaradaha haybtooda.

 
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com