Home > WARARKA > Somalia:Ciidamada Itoobiya ah oo lasheegay inay Soo galeen

Somalia:Ciidamada Itoobiya ah oo lasheegay inay Soo galeen

Sunday, November 20, 2011

Laaska news  Nov.20,2011

Warka laga helayo deegaano kala duwan oo Soomaaliya ah ayaa kusoo waramaya in ciidamo itoobiyaan ah oo wata gawaarida gaashaamaan iyo kuwa xamuulka ay shalay kasoo galeen dhawr meelood oo katirsan gobalada Dhexe ee Soomaaliya.

.
Ciidamadan ayaa  lasheegay in ay kasoo gudbeen xadka ku aadan Balanballe ayna gaareen Guraceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay fariisan ka dhigteen meel udhaxaysa Balanballe iyo Guraceel.

Magaalada Guraceel ayaa waxa gacanta ku haya Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana mara laamiga dheer ee iskuxira Hiiraan & Galgaduud.

Waxaa kale oo la sheegay inay kasoo galeen xadka ku aadan Gobolka Hiiraan ayna gaareen Beergadiid iyo Kalabeyr oo ah deegaano ka tirsan Baladweyn ee Gobolka Hiiraan.

Waxaa kale oo ay kasoo galeen Mandhera sida ay warbaahinta u sheegeen dad deegaanada kusugan.
.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com